jamaal Ali HusenHargeysa (Araweelo News Network) Murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka codsaday Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle codsaday

 

inuu il naxariis leh ku eego xadhigga ganacsade Jaamac Oomaar Seed oo in muddo ah ku xidhan xabsi ku yaal magaalada Jabuuti.
Mr. Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidaa ku sheegay  waraysi uu wargeyska Jamhuuriya khadka telefoonka ku siiyay xalay, wuxuuna xusay in Jaamac Oomaar yahay ganacsade ganacsiyo kala duwan ku leh manqadda Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Jabuuti iyo Somaliland, sidaa darteedna lagama maarmaan ay tahay in xadhiggiisa lagu dhammeeyo qaab naxariisi  ku lammaan tahay, laguna tixgeliyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo shaqo-abuurka uu ka hirgeliyey labada waddan ee dariska ah.

“Waxaannu Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ah runtii nin dedaal iyo door muhiim ah ka ciyaaray soo noolaynta afka Soomaaliga inuu il naxariis leh ku eego xadhigga ganacsade Jaamac Oomaar oo muddooyinkii u dambeeyey ku xidhnaa magaalada Jabuuti, maadaama Jaamac Oomaar yahay muwaaddin reer Jabuuti ah, asalkiisuna ka soo jeedo Somaliland, waana ganacsade weyn oo ganacsigiisu aad u ballaadhan yahay, kuna fidsan yahay mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland, markaa maadaama Jaamac Oomaar yahay nin culayskaa leh, waxaannu dawladda iyo Madaxweynaha Jabuuti ka codsanaynaa inuu xadhiggiisa il naxariis ah ku eego, isagoo weliba door weyn oo muhiim ah ka ciyaara dhaqaalaha waddanka Jabuuti iyo Somaliland-ba,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Geesta kale Jamaal waxa uu ku canaantay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo in aanay si fiican uga hawlgalin xadhigga Jaamac Oomaar.
“Waxaan aad uga xumahay in xukuumadda Somaliland gabi ahaanba dhegaha ka furaysato xadhigga Jaamac Oomaar oo la filayey inay door diblomaasiyadeed ka ciyaarto sidii arrinkiisa looga hawlgeli lahaa, maadaama uu yahay ganacsade weyn oo ganacsigiisu abuuray fursado shaqo oo aad u badan oo Somaliland iyo Jabuuti-ba ah, cilaaqaadka labada dalna isku fiican yihiin. Waxaannu ka filanaynay in xukuumaddu door weyn ka ciyaarto, laakiin inay ka aamusto marna kama aannan filayn, waxaanuna jecelnahay in xukuumada Somaliland door weyn ka qaadato sidii dawladda Jabuuti loogala hadli lahaa xadhigga Jaamac Oomaar, iyadoo la ixtiraamayo sharciga iyo nidaamka u yaal Jabuuti, haddana waa in door diblomaasiyadeed laga ciyaaro arrinka ganacsada weyn ee Jaamac Oomaar,” ayuu yidhi murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Xigggasho Jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *