Berbera(ANN)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ahaa xudunta muranka xisbiga UDUB ee musharaxnimadiisa khilaafka weyni ka abuurtay hogaanka xisbgaa, ayaa maanta dalka kusoo laabtay. Jamaal oo kasoo degey garoonka diyaaradaha ee berbera, isagoo
kasoo laabtay dhinaca dalka Tanzania, waxaa halkaa si diiran ugu soo dhoweeyay kooxo dadweyne u baddan dhalinyaro, watay gaadiid lagu dhejiyay sawirkiisa iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Udub.
Jamaal Cali Xuseen oo qolka nashada ee Madaarka Hargeysa ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dadweynihii kala duduwana ee sida diiran u soo dhaweeyey, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo uu uga mahadceliyay soo dhowaynta ay u sameeyeen.
Hadal kooban oo uu saxaafada siiyay, waxa uu kaga hadlay ujeedada xiligan ee safarkiisa iyo waxa u qorshaysan mar haddii musharxnimadiisu keentay khilaaf weyn oo kala daadiyay xisbiga UDUB, kaas oo ugu danbayntii hogaankiisa lagu kala saaray Maxkamadda dastuuriga ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ waxaan u imi wada tashi, Markaa wada-tashigaasi balaadhan kadib aan sameeyo ee dadka figradaheeda ogaado ee go’aammadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay, ama UDUB ha noqoto, ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajinno ayuun bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo, waxaan rejaynayaa in Illaahay sida khayrka leh innagu waafajiyo. Madaxtinnimaduna waxa weeye wax Illaahay dadka calaf u siiyo, ama uu u qoray inta badan karti kuma timaaddo.”Ayuu yidhi Jamaal.
wuxuuna meesha ka saaray inuu wax heshiis ah la galay xisbiga UCID, isagoo dhinaca kalena ka muujiyay inaanu weli go’aan ka qaadan siyaasada iyo hankiisa musharxnimo oo hantaaqo weyn uu kala kulamay bilawgiiba hindisihiisa uu ku doonayay inuu noqdo musharaxa doorashada madaxtooyadda ee xisbiga UDUB, marka la gaadho waqtigeeda, isagoo yidhi, “Madaxtinimada marka ay qofka dadku u gartaan Illaahayna u garto ayuun buu qofku helaa. Taasna markaan dadka la tashado ayaannu go’aan ka gaadhi doonnaa, Faysalna (Gudoomiyaha UCID) waanu isku aragnay Dubai, saaxiibkay weeye. Laakiin wax go’aan ah ama heshiis aannu soo wada-galnay ma jiraan. Marka aan dadka la tashado ayaanan go’aankeeda gaadhi doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.” Ayuu yidhi, Jamaal Cali Xuseen oo su’aalo kooban safaaxadu weydiisay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.co