Faallada Araweelonews

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland   Axmed  Siilaanyo oo kasoo laabtay safar dhawr iyo toban caanamaal qaatay oo ku soo maray  qaar ka mid dalalka Khaliijka ayaa la filyaa inuu is bedel ku sameeyo xukuumaddisaa. Sidaana waxa laga helay tibaaxo    kasoo baxay

dad ku dhow dhow Madaxweyne Sjilaanyo, kuwaas oo sheegaya inay isku shaandhayntaa xilalkooda ku waayi karaan qaar ka mid ah golaha wasiirada, Agaasimyaal iyo masuuliyiin kale oo   qaarkood magacyadooda  si weyn loo hadalhayay saacadii lasoo dhaafay.
Wararka sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo samaynayo isku shaandhayn xukuumaddisa ah ayaa soo baxay  saacado ka hor intii aanu dalka dib ugu soo laaban , balse Madaxweyne   Siilaanyo oo saxaafadu weydiisay su’aal la xidhiidha arrintaa markii uu kasoo degey dhabaha diyaaradaha ee Berbera, waxa uu yidhi, “horta wax aniga iga soo baxay oo ku saabsan isku shaandheynta xukumadayda ma jirto.”
Inakasta oo Madaxweyne Siilaanyo jawaabtaa kooban ka bixiyay hadalhaynta arrintaa, hadana waxa isa soo tarayay tibaaxaha iyo hadalhaynta la xidhiidha qorshaha madaxweyne Siilaanyo ee isku shaandhaynta xukuumaddiisa, isla markaana jawaabta kooban ee uu ka bixiyay iyo qaabka weedhaha uu ku jawaabay u yaaliin ayaa iftiimin kara jiritaanka wararka iyo xogaha sheegaya inay jiraan isku bedel u qorshaysan Madaxweynaha oo dhinaca xukuumaddiisa ah, kaas oo noqon kara saacadaha soo socda, ama maalmaha soo socda ee fooda inagu soo haya.  
Waxayna xogaha arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in qaar ka mid ah golaha wasiiradu ka baxayaan saaxada, halka kuwo kalena laysku bedelayo. Wasaaraddaha sida weyn loo hadal hayo waxa ka mid ah Arrimaha  gudaha, Ganacsiga, waxbarashada, Maaliyada, Qorshaynta, Warfaafinta,  Macdanta, iyo Biyaha,  kuwaas oo xogaha qaar sheegayaan inay Madaxweyne Siilaanyo miiska u saarantahay isku bedel uu ku sameeyo, isla markaana ay masuuliyiinta wasaaraddahaa qaarkood saaxada ka baxayaan oo xilka laga qaadayo.
Sidoo kale waxa wararka iyo xogaha arrimahaa la xidhiidhaa tibaaxayaan in Agaasimayaasha qaarkood laysku bedelayo, isla markaana illaa lix Agaasime bustayaashooda debeda loo dhigayo, iyadoo Agaasimayaashala hadal hayo ay qaarkood yihiin kuwa wasaaraddahaa aynu soo sheegnay. Sidoo waxa wararka iyo tibaaxaha laga helay dadka ku dhow dhow Madaxweynahu  sheegayaan in isku shaandhaynta iyo xilka qaadista ay ku jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Hay’addaha Xukuumadda,  sida Badhasaabo  gobolada qaarkood iyo Hay’addo kaleba, waxaana tibaaxaha qaar sheegayaan inay saraakiisha qasriga nadaxtooyada qaarkood ku jiraan dadka uu  saamaynayo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ee  isku dhaandhaynta iyo xil ka qaadista, saraakiisha aad loo hadahayo waxa ka mid ah Af-hayeenka madaxtooyada  oo xogaha qaar sheegayaan in la bedelayola, waxa kale oo saadaasha iyo xogaha arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in saraakiil kale oo ka tirsan masuuiyiinta ka hawlagala madaxtooyadu meesha ka baxayaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida ay wararka iyo tibaaxaha laga soo weriyay dadka ku dhow dhow sheegayaan  qorshiisani ka danbeeyay ka dib markii ay soo baxeen khilaafaad iyo wada shaqayn la,aan masuuliyiinta wasaaraddahaa iyo dhaliilo qaarkood si weyn bulshadu farta ugu fiiqayaan oo la xidhiidha shqooyinka wasaaraddaha iyo Hay’addaha ay masuulka ka yihiin.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhowaad saddex  todobaad ka hor markii safarka dhinaca dalalka carabta u baxay wuxuu soo saaray digreeto uu xilka kaga qaaday laba Masuul, kuwaas oo kala ahaa Maareeyihii Laydhaka Hargeysa iyo Agaasimhii wasaaradda waxbasharada, kuwaas oo uu masuuliyiin cusub u magcaabay.
Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah inay jiraan dhaliilo qoorta u sudhan qaar baddan oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaraddaha  iyo hay’addaha kale ee sida weyn loo hadal hayo, kuwaas oo qaarkood aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn, isla markaana uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah, taas saamayn ku yeelatay hawlihii ay qaranka u hayeen, balse waxa  la eegayaa talaabada Madaxweyne Siilaanyo ee saacadaha iyo maalmaha fooda inagu soo haya uu qaado iyo sida ay u dhacaan sheekooyinka iyo tibaaxaha duul duulka ah ee isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista madaxweynu halka ay ku danbayso, ama sida ay u rumawdo.
Faallada Araweelonews

Www.araweelonews.com
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *