Hargeysa(ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hogaaminaya wefdi ka kooban 73 xubnood oo ka kala socda Wasaaraddaha Dawlada, Ururada Bulshada iyo shirkadaha  ganacsiga ayaa maanta u dhoofay dalka Djibouti, kuwaas oo ka qaybgelaya shirk u saabsan sidii ay  Dawladda Mareykanku

uga hirgelin lahayd Somaliland mashaariic horumarineed oo  markii u horreysay si toos ah u siiso Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland.
Wefdiga uu higaaminayo Dr. Gaboose oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka qaygelya shir hawleed socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu darsayo baahiyaha Somaliland ee ay wax ka qabanayso dawladda maraykanku, kaas oo ay  ku qabanayso dalka Djibouti.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wefdiga  uu hogaaminayo waxa xuno ka ah Wasiirradda Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsadde,  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkod, Maayaro,  Badhasaabada Gobollada qaarkood, Shirkadaha Ganacsiga iyo ururada bulshada.
“Weftigan balaadhani waxay ka qaybgalayaan kulan balaadhan oo ay Djibouti ku qabanayso Hay’adda Kaalmooyinka u qaabilsan Mareykanka ee USAID, taasi oo kaalmo toos ah siinaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud, mashaariicdaasi oo la doonayo inay  saamayn toos ah ku yeeshaan Wasaaradaha Dawladda,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in shir hawleedkaa  lagu falanqeynayo sidii loo kala horaysiin lahaa baahiyaha kale duwan ee dalka.
“Mashaariicdan tooska ah ee dawladda Mareykanku siinayso hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland waxay markhaati cad u tahay nabadgelyadda, maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, kaalmooyinka Mareykanku ina siiyo waxay  inoo soo marin jireen Hay’addo kale. Laakiin  waa markii u horeysay ee USA ay si toos ah hay’addaheena dawliga ah ula shaqeyso. Waxa hore u jiray todoba Wasaaraddood oo ay mashaariic u soo marin jireen hay’adaha IOM,” ayuu yidhi Agaasimaha oo ka mid ah weftigaaasi oo maanta u waramayay Radio Hargeysa. Ka hor intii aanay dalka ka bixin.

Araweelonews.com
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *