Adis ababa(ANN)Horjoogayaasha  maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug  C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin, ayaa sheegay inay ka laabteen go’aankoodii ay hore ugu qaadaceen inay ka qayb galaan  shirka Turkigu ugu qabanayo dalkiisa Soomaalida ee

ka dhacaya Khamiista 31 May 2012 magaalada Stanbuul.
Horjoogayaasha Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ee Somalia,  ayaa maanta  ka sheegay  caasimada Ethiopia ee Adis Ababa oo  ku suganaayeen inay hada aqbaleen inay ka qaybgalaan shirkaa oo subaxnimada furmaya. Maamulka Galmudub ayaa shalay ku gacansaydhay go’aanka diidmada shirkaa ee Horjoogaha Maamul goboleedkooda.
Labada masuul ayaa diidmada shirka Turkiga markii hore ku sababeeyay iyagoo saluugay qaabka loo maamulay ajandaha shirkaa, balse waxa farta lagu fiiqayay inay diidmadoodu la xidhiidhay siyaasado kale oo ay lug ku leeyihiin dawladaha ku loolamaya arrimaha Somalia. laakiin waxay aqbalaada waqtigan ee ka qaybgalka shirka ku tilmaameen mid ka dhalatay markii wax laga bedelay tabashadooda.
C/raxmaan Faroole oo ah Horjoogaha Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in Diyaarado khaas ah ay dawladda Turkigu u dirayso madaxdhaqameedka iyo  Ururadda Bulshada ee ku sugan Deegaamadda Puntland iyo Galmudug si ay shirka uga qayb galaan,  wuxuuna ku hanjabay in haddii shirkaasu noqdo mid baalmarsan qorshihii khariirada  nabada aanay ka qaybgelayn, balse ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan qaybta kale ee mashaariicda  iyo horumarinta, maadaama shirka Istanbuul yahay mid laba qaybood ah.
Dhinaca kale Shirkaa oo ay  ku qulqulayeen wufuud caalami ah oo ka kala yimi wadamo baddan oo dacalada dunida ah iyo kuwo ka tegey deegaanada bulshada Soomaalida, waxa maanta gaadhay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sh. Shariif, iyadoo ay dhinaca Somaliland oo qayb ka mid ah shirkaa sheegtay inay ka qaybgelay ay gaadheen Istanbuul sadex wasiir oo kala ah Arrimaha Debeda  Dr. Maxamed C/llaahi  Cumar, Macdanta iyo Biyaha Dr. Xuseen Ducaale iyo Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo ah xubnaha ay Somaliland u wakiilatay inay uga qaybgalaan,  isla markaana laba xubnood oo ka mid ah wasiiradda  shalay dalka ka baxeen, halka xubinta sadexaadna la filayo inuu dhinaca Amerika   uga soo baxo  Istanbuul, balse Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyayna Axmed Cabdi Xaabsade  oo ahaa xubinta afraad ee Somaliland uga qaybgelaysay ayaa ka hadhay wefdigaa sababo farsamo awgood, taas oo muujisay qaab kala daadsanaan ah oo goosan ka dhigay wefdiga xukuumadda Somaliland u qorshaysay shirkaa.
Sidoo kale ganacsato iyo xubno la socda Ururada bulshada Somaliland ayaa gaadhay Istanbuul, kuwaas oo qayb ka ah dadka ka qaybgelaya shirkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *