Washington (Araweelo News Network) Heshiis mudo kooban ah ayaa laga gaadhay miisaaniyadda Maraykanka , waxayna  Ha’yadaha dawladda Maraykanku

dib u bilaabeen shaqadoodii kadib markii golayaasha Baarlamanka Maraykanka ee Congress-ka iyo Senate-ku heshiis ka gaadheen miisaaniyadda dawladda oo muran ka taagnaa muddo ka badan laba toddobaad iyo dheeraad.
Hase yeeshee waxa  lagu gaadhay heshiis dirqi ah ku badbaadiyey dawladda Madaxweyne Obama oo la saxeexay xalay saacado yar ka hor waqtigii kama dambaynta ahaa ee loo qabtay xidhitaanka dhammaan xafiisyada hawlaha dawladda, kaas oo kor u qaadaya awoodda ay dawladdu lacago ku soo amaahan karto si loo baadhitaageero miisaaniyadda muddo saddex bilood ah oo biilasha hay’addaha dawladda.
Heshiiskaa waxa ugu danbayntii ogolaaday Golaha Congress-ka ee mucaaradku ku badan yahay oo ay u codeeyeen 285 mudane, halka 144 kale diideen. Sidoo kalena, aqalka Odayaasha Senate-ka ee muxaafadku aqlabiyadiisa haysto ayaa 81 mudane ogolaaday, waxaanna diiday 18 xildhibaan oo keliya.
Golayaashu waxay ogolaadeen in la kordhiyo heerka daynta ee ay dawladdu qaadan karto o ahaa ilaa $16.7 trillion oo dollar, iyadoo guud ahaan qiyaasta loo baahnaanayo lagu tilmaamo ilaa $17.5 trillion, balse waa xal ku-meel-gaadh ah oo ku eeg ilaa bisha February oo aan waxba ka qabanayn dhibaatooyinka miisaaniyadda Marayanka, taasi oo loo baahan yahay in loo helo xal kama-danbays ah.
Heseyeeshee, heshiiskani waxa uu ka badbaadiyey dawladda Maraykanka dhaqaale burbur ku dhici lahaa qorshihii miisaaniyaddeeda oo wasaarado iyo adeegyo badan oo ku tiirsanaa ay qarka u saarnaayeen inay xidhmaan, iyadoo hore qayb ahaan ay u joogsadeen shaqooyin fara badan oo dawladdu u qaban jirtay dadweynaha.
Khamiistii shalayba waxa dib shaqadoodii u bilaabay boqolaal shaqaale ah ka mid ah hay’adaha federaalka ee guud ahaan gobollada dalka Maraykanka iyo hay’ado badan oo adeegyadii ay qaban jireen taagnaayeen 16 maalmood oo uu taagnaa muranka miisaaniyadda oo u dhexaysay golayaasha Baarlamanka ee ay ku kala badan yihiin xisbiga mucaaradka ee Jamhuuriga oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda iyo dhinaca kale dawladda Madaxweyne Barak Obama iyo mudanayaasha xisbiga Dimuqraadiga.
Madaxwyne Obama oo hadal jeediyey kadib markii uu saxeexay heshiiskaa ayaa sheegay in la qaaday cabsidii ku wajahnayd burburka dhaqaale ee Maraykanka, balse waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta labada xisbi iyo gollayaasha in ay gacmaha isku qabsadaan sidii loo meelmarin lahaa xal waara oo ku wajahan miisaaniyadda dawladdiisa.
Sidoo kale waxa uu xusay in xidhitaankii hawlaha shaqo ee dalwaddu uu dhaawacay karaamadii Maraykanku ku lahaa adduunka, sidaa darteedna loo baahan yahay in aanay mar kale soo noqon arrintaasi oo heshiis buuxa laga gaadho. Laakiin qaar ka mid raga ugu cod dheer xisbiga jamhuuriga ee Mucaaradka ayaa ku doodaya in sadex bilood ka dib ay dhibaatadani soo laabanayso, kuwaas oo si weyn u dhaliilaya siyaasada Madaxweyne Obama, iyadoo arrintani saamayn xun iyo cabsi wer wer leh ku keentay dhaqaalaaha maraykanka oo sanadii uu danbeeyay sii hiibanayay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *