Hay’ad Somaliland U Qaabilsan Ilaalinta Tayada Oo Qirtay In Shidaal Khasaare Gaadhsiiyay Hantida Bulshada Dalka Lasoo GeliyayHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Hay’adda illaalinta tayadda  agabka Somaliland Mr. Siciid Saleebaan Mirre, ayaa qiray in dalka lasoo geliyay shidaal aan tayadiisu wanaagsanayn oo sababay khasaare hanti iyo dhaqaale oo bulshadda kasoo waajahday. kadib markii

 

shiidaalkaa oo aan tayo wanaagsanayn  dalka lasoo galiyay dhawaan, kaas oo uu tilmaamay inuu khasaare u geystay mishiinadda laydhka u shida magaalooyinka dalka qaarkood iyo gaadiidka.

Sidaas waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay war-saxaafadeed uu ka akhriyay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan :-

“Aniga oo tixraacaya warqada sumadeedu tahay (Ref: SQCC/XG/0335/12) ee ku taariikhaysnayd 29/02/2012 ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda tayo dhawrka agabka (Quality Cantrol Commision) waxaan mar labaad ogaysiinayaa dhamaan shirkadaha soo dejiya shidaalka dalka yimaada in aanay dalka keeni Karin haba yaraatee shidaal aan wadan warqad tayo wanaag ah wadan (Certificate of quality) oo ay ku caddahay tafaasiisha lifaaqa halkan ku lifaaqan.
Waxa dalka la soo darsay dhibaato dhaqaale bur- bur oo keenay shidaalada aan tayada wanaagsanayn soo galaan dalka,  shidaalkaasi oo oo u gaystay bulshada Somaliland khasaare laxaadleh , iyada oo dhibta khasaarahaasi laga soo sheegayo dhamaan gobolada Dalka iyo warshadleyda dalka.

Waxa dhaawac balaadhani soo gaadhay mishiinada laydhka ee shirkada laydhka dalka oo qaar badan oo ka mid ah dhibkaasi u gaystay cilado joojiyey shaqadii, waxa kale oo uu u gaystay khasaare balaadhan gaadiidlayda oo meel kasta oo ay fadhiistaan gaadiidka xamuulku iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo uu shidaalkaasi soo gaadhsiiyey khasaare balaadhan.

Sidaa aawadeed aniga oo tixraacaya warqada hore ee soo baxday 29/02/2012 oo ay ahayd go’aan ay ka wada midaysnaayeen wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Maxamed Xaashi, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq khaliif iyo guddoomiyaha Hay’adda SQCC.  ka dib markii aanu yaqiinsanay dhibta uu dalka soo gaadhsiiyey shidaalkaasi, waxaan ogaysiinayaa mar labaad dhamaan shirkadaha dalka keena shidaalka inaanay dalka keeni Karin haba yaraatee shidaal aan warqada tayo wanaaga wadan (Certificate of Quality).” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale dhawaaqa Hay’adda illaalinta tayadda  agabka Somaliland, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbaysay ay soo baxayeen wararka sheegaya mushkilado khasaare oo ka dhashay shidaal aan tayadiisu wanaagsanayn oo dalka soo galay, kaas oo khasaare gaadhsiiyay shirkaddaha Laydhka, mishiinada loo adeegsado ceelasha biyaha iyo qaar badan oo ka mid ah gaadiidka muwaadiniinta ee waaweyn.

maaha markii u horaysay ee ay soo baxeen cabashooyinka la xidhiidha mushkiladaha iyo khasaaraha ka dhasha shidaal aan wanaagsanayn oo lasoo geliyo Somaliland, kaas oo khasaare gaadhiiyay gaadiidka muwaadiniin badan, balse dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxay mushkiladaha cabashooyinka shidaalka noocan ahi ahaayeen kuwo soo taxnaa oo aanay xukuumadda Somaliland marna jawaab ka bixin, balse Hay’adda  illaalinta tayadda  agabka Somaliland, ayaa marar badan sheegtay in dalka lasoo geliyo raashin iyo dawooyin dhacay oo saamayn ku yeeshay nolosha iyo caafimaadka in badan oo ka mid ah bulshada Somaliland, waxayna marar badan Hay’adda Illaalinta agabku soo bandhigtay badeecado dawooyin iyo raashin dhacay, kuwaas oo weli si xor ah loogu iibiyo suuqyada magaalooyinka dalka, kuwaas oo aan wax ciqaab ah la kulmin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *