Berbera(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Xidhiidhka kubada Cagta Somaliland oo  dhawaan la baabi’iyay iyo sarkaal oo ka tirsan Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland. kadib markii ay socdaal mudo sagaal

 

maalmood ah oo qarsoodi ah ugu maqnaayeen xarunta dawlada Somalia ee magaalada Muqdisho.
Labada sarkaal ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyagoo kasoo degey dhabaha diyaaraddaha ee berbera, balse ciidamada Booliska ayaa ka qabtay halkaa, waxaana loo taxaabay xabsiga. sida uu shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan booliska berbera.
labadaa sarkaal oo kala ah Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Axmed Dhego oo midkood ahaa Guddoomiyihii Xidhiidhka kubada Cagta oo dhowaan uu wasiirka Ciyaaraha Somaliland kal diray, ka kalena  ahaa   Guddoomiyaha Naadi u ciyaara Wasaaradda Duulista Hawada, waxaa loo gudbiyay Ciidamadda Baadhista Danbiyadda ee CID-da, kuwaas oo baadhitaano ku bilaabay markii ay kasoo degeen madaarka ee ay boolisku qabteen, iyagoo doonaya inay usoo gudbaan dhinaca magaalada Hargeysa.
xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin xadhiga labadaa sarkaal, iyadoo aanay  cadayn  ujeedada safarka labadaa sarkaal ku tageen Muqdisho, balse waxa saraakiisha booliska qaarkood laga soo xigtay inay ku doodeen muwaadiniintaasi  in aanu safarkooda Muqdisho ahayn mid siyaasadeed ee uu ahaa dano gaara oo ay u yeesheen muqdisho.
xukuumadda Somaliland ayaa hore uga soo saartay xeer xakamaynaya socdaalada siyaasadeed ee ku waajahan muqdisho iyo cid kasta oo ka qaybgasha qorshayaasha Somalia, kuwaas  oo xeerka lagu sheegay in loo arko qaran dumis. sidaa awgeed ay la kulmayaan ciqaab dhinaca sharciga ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *