Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Hay’adda Samo-falka ah ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Britain. Sidaana waxa lagu
sheegay qoraal uu kulankaa Madaxweyne xigeenka iyo wefdiga kadib soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Hay’adda Al-khayr Foundation Iimaam Qasim oo wefdigaa hogaamiyay waxay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland faahfaahin ka siiyeen ujeedada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho daba-galka hawlo-samo-fal oo ay ugu horayso biyo-soo-saaridda deegaanada Somaliland, iyadoo ay hada gacanta ku hayaan qodida ceelal dhaadheer, Riigag, dhamaam iyo biyo-xidheenno isugu jira, kuwaas deegaamo ka mid ah Somaliland.
“Hada waxa la dhamaynayaa oo gacanta lagu hayaa Riig laga qodayo magaalada Gar-adag, waxa kale oo qorshaha ku jirta oo sahan loo diray dhinacyada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, sahankaas oo lagu raadinayo dhulka biyaha laga helayo, waxa kale oo iminka qorshaha ku jirta oo sahan ku maqan yahay magaalada Jameecaadka iyo magaalada Balli-dhiig.” Sidaa waxa yidhi u qaabilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil oo Madaxweyne ku xigeenka uga waramayay dedaalka ay Hay’adoodu ugu jirto sidii dhinaca biyaha looga horumarin lahaa bulshada Somaliland.
Wakiilka Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation oo ka xog-waramayay hawlaha kale ee ay Hay’adoodu wadanka ka qabanayso waxa uu xusay, inay dedaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta dhinaca waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in khabiiro u dhashay wadanka UK ay u iman doonaan dalka si ay tababar u siiyaan macalimiinta dugsiyada dalka, arrintaas oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa weftiga uga mahadceliyay hawlaha samo-fal ee dhinaca biyaha oo uu xusay inay tahay baahida ugu wayn ee taala wadanka. Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku u balanqaaday xubnaha weftiga Hay’addaa inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan, isla-markaana ay dhinacooda gacan buuxda ka gaysan doonaan hawlaha samo-fal ee ay wadaan, wuxuuna ku booriyay masuuliyiinta Hay’adda samo-falka ee Al Khayr Foundation inay sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dhinacyada biyaha iyo waxbarashada.
Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaas ku wehelinayay Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com