ADDIS ABABA(ANN) Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayaan Somalia. kadib markii bishii November 2010, ay ka talaabeen  ciidamadeedu xadka u ay la wadaato Somalia, isla markaana fadhiisimo Milateri ka samysteen maagaalada Beledweyne . Raysal wasaaraha Ethiopia

 

Meles Zenawi, ayaa u sheegay Jimcihii warfidiyeenada oo kula kulmay xarunta dalkiisa ee Addis Ababa, halkaas oo lagu soo gebagebeeyay shirkii Ururka Midawga Afrika.
Dhawaaqa  ay dawladda Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxayso Somalia ayaa kusoo beegmay. Kadib markii uu dhamaaday shirkii ay hogaamiyayaasha Midawga ku yeesheen Addis ababa, iyadoo ay  hore qaar ka mid ah hogaamiyaasha Midawga Afrika uga soo horjeesteen markii ay ciidamada Ethiopia  galeen Somalia bishii November ee lasoo dhaafay. Sidoo kale waxa uu dhawaaqani kusoo beegmay, iyadoo  fadhiisinka ciidamada  ee ciidamada Ethiopia ku lahaayeen Beledweyne lala beegsaday qarax weyn Khamiistii todobaadkan.
Hase yeeshee Meles Zenawi ayaa sheegay in ujeedada ay ciidamadoodu u tageen Somalia ay ahayd in la taageero  dawladda taagta daran ee Somalia, isla markaana  ay ka cabsi qabeen in uu yimaado waqti firaaqo ah, iyadoo mudada dawladda taagta daran xiligeedu dhamaad ahaa, balse ay  u tageen halkaa inay caawiyaan ciidamada nabad Ilaalinta eek u sugan Somalia.
Dhinaca kale ciidamada milateriga ee Kenya ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan mudadii sadexda bilood ahyad ee ay hawlgalada milateri ka wadeen koonfurta Somalia, waxayn sheegeen in mudo boqol maalmood ah ka wadeen hawlgaladaa oo ay sheegeen inay ku dileen boqolaal Al-shabaab ah, balse waxa ay xuseen in hawlgaladaa ay ka horyimaadeen mushkilado dhinaca cimilada ah oo hakad geliyay talaabooyinka Milateri ay ka wadaan gobolada Koonfurta Somalia.
Kenya waxay warbixintooda ku sheegtay in sadexdaa bilood hawlgalada ay kula dagaalamayeen dagaalyahanka Al-shaabaab ay dhinacooda kaga dhinteen 7 askari, isla markaana ay guulo ka gaadheen. Laakiin sheegashada dawladda Kenya ayaa u muuqata mid aan si cad u sheegayn guulo la taaban karo oo ay ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyadoo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamadoodu ka fuliyeen gobolada koonfurta ee ay hawlgalada ka wadaan ku sheegeen inay la beegsadeeb diyaaradohoodu saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd halkaa, balse goobaha duqaynta laga sameeyay ayaa waxyeelo kasoo gaadhay dad shacab ah oo qoxooti ah, taas oo si weyn loogu canbaareeyay ciidamada Kenya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *