New York UNPO/Jam(ANN) Haweenayda madaxda ka ah Kooxda qalalaasaha caalamiga ah ( International Crisis Group) oo loo soo gaabiyo (ICG) Mrs. Louise Arbour, ayaa beesha caalamka uga digtay inay Somaliland ku cadaadiyaan sidii
ay mar kale u hoos tagi lahayd koonfurta dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ay aafeeyeen colaado dhiig badani ku daato oo aan maalin qudha ka soo rayn lahayn.
Mr. Louise Arbour oo khudbad dheer ka jeediyey shir ay isugu yimaadeen Golaha Caalamiga ah Ururka ay ku bahoobeen dadyowga dawladaha aan la aqoonsan ee Arrimaha Anshaxa oo ay wada shaqayn leeyihiin kooxda ICG ugu xilsaaran la socoshada arrimaha ay keenaan caddaalad-darrooyinku ee dhaliya qalalaasaha adduunka, waxa ay si mug leh ugaga xog-warantay dhibaatooyinka ka taagan dunida ee saamaynta ku yeelan kara dadyawga xuquuqdooda aayo-ka-tashi caalamku duudsiyey.
Khudbadda Guddoomiyaha hay’adda ICG oo shalay lagu baahiyey bogga Internetka ee ay leeyihiin ururka ay ku bahoobeen dadyowga aan dalalkooda la aqoonsanayn, waxay si gaar ah u soo qaadatay dalalka Somaliland, Kosova, Koonfurta Sudan, Abkhazia, Koonfurta Ossetia, Nagorno-Karabakh iyo Kashmir oo ay tilmaantay in beesha caalamku dhegaha ka furaysteen xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashiga madaxbannaanidooda, waxaanay si adag uga digtay cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddii adduunku ku khasbo inay dib ula midoobaan dalalka ay ka go’een, waxaanay Ururka Afrika ugu baaqday inay raacaan go’aankii Midowga Yurub ku aqoonsaday dalka Kosovo.
Haweenayda madaxda ka ah kooxda Qalalaasaha caalamiga ah, (ICG), waxay caddaysay in shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee qeexaya aayo-ka-tashiga dadyawgu u oggolaanayaan Somaliland iyo dalalka kale ee raadinaya madaxbannaanidooda inay helaan xuquuqdooda.
Mrs. Louise oo ka hadlaysay xaqa madaxbannaanida Somaliland ee muddada labaatanka sanno ah caalamku ka hortaagan yahay helista ictiraaf rasmi ah iyo halista ku iman karta nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland haddii beesha caalamku ku cadaadiso inay si khasab ula midoobaan Koonfurta Soomaaliya ee xal-u-helideeda dunidu ka quusatay, waxa ay tidhi, “Arrinta madaxbannaanida Somaliland ee sida xad-dhaafka ah ururka Midowga Afrika ugu dhegan yahay ilaalinta qaranimada Jamhuuriyaddii Soomaaliya, balse dhinaca reer Somaliland in mar kale Muqdisho xukunto waa mid aan suurtogal ahayn, isla markaana aan laga taageeri doonin Somaliland oo muddo labaatan sanno ah qaran ahayd. Isku dayn kasta oo Somaliland dib loogu celiyo xukun Muqdisho laga maamulayo wuxuu dhab ahaan bilaabi doono weji cusub oo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ah.”
Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee ICG waxay ku adkaysatay in nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladeed ee Somaliland haysataa u noqon karaan daliil lagu aqoonsado, “Hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo hay’adaha dawladeed ee shaqaynayaa waxay xoojinayaan xaqa ay u leedahay madaxbannaanideeda. Taa waxa la mid ahaa dalka Montenegro ka hor intii aan dadka aftida laga qaadin sannadkii 2005, waxaannu sheegnay in Montenegro tahayd Jamhuuriyadda keliya ee dalkii Yugoslavia ka tirsanayd ee samaysay nidaam dawladeed oo isiro kala duwan ka kooban iyadoo aanay wax iska horimaado ahi dhicin, arrintaas oo xoojisay doodoodii.”
Ugu dambayntii Mrs. Louise waxay ugu baaqday Ururka Midowga Afrika inay go’aan cad ka qaataan madaxbannaanida Somaliland iyo Koonfurta Suudaan, “Waxaannu ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si togan uga hawlgalaan su’aasha la xidhiidha qadiyadda ictiraafka Somaliland, warbixinahayaga aanu ku samaynay horumarka gobolka (Afrika) waa muhiimadda ay leedahay Koonfurta Suudaan oo madaxbannaanaata, doodayadu waa in Ururka Afrika raaco sidii Midowga Yurub uga hawlgalay dalalka Balkans-ka oo tusaale u ah (dalalka ka kala googay dalkii Yugoslavia la isku odhan jiray),” ayey doodeeda ku soo ururisay madaxa kooxda Qalalaasaha caalamiga ah ee ICG. sidaana waxa lagu daabacay wargeyska jamhuuriya cadadkiisii maanta.
.
Dhinaca kale Haweenaydan oo kasoo jeeda dalka Canada ayaa sanadihii 2004-2008, waxay ahayd madaxa gudida xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha, waxayna ka mid tahay shaqsiyaadka caanka ah mansabyada kala duwan kasoo qabtay Hay’ado iyo ururo caalami ah. sidoo kale waxa loo magcaabay iyadoo la dabakahayo qaraarkii golaha amaanka ee Feb, 1996 inay dacwad Ooge ka noqoto Maxkamaddii denbiyada caalmaiga ah ee dagaalka ee dalkii laysku odhan jiray Yuguslavia iyo sidoo kale maxkamaddii denbiyada caalamiga ah ee dagaalkii Ruwanda.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380