Hargeysa(ANN)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray carwada ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay Hotelka Mansoor ee magaalada Hargaysa. Carwadaa oo ahayd mid ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen koox la baxday ururka
Somaliland Business Fair (SBF) , kaas oo sheegay inuu la kaashaday shirkaddaha OGF, Dahabshiil, Somcale, Deero Group iyo kuwa kale. Bandhiga carwadaa oo socon doonta muddo shan cisho ah waxa furitaankeedii ka soo qayb galay wasiiro badan oo ka mid ah xukuumada Somaliland, duqa caasimada Hargaysa, xubno ka socday goleyaasha baarlamaanka, qaar ka mid ah hay’addaha madaxa banaan, madaxda shirkaddaha ganacsigooda ku soo bandhigayay madasha iyo boqolaal dadwayne ah.
Munaasibada carwadaa oo ay qaybaha kala duwan ee ganacsigooda ku soo bandhigeen ku dhowaad boqol shirkadood, oo todobaatan ka mid ahi ay yihiin shirkaddaha wadaniga ah, halka sodonka kalena ay ahaayeen shirkado ganacsi oo ka socday dalalka jaarka sida Djibouti, Ethiopia iyo Soamalia.
Ganacsatada maamula shirakaddahaa ka qaybgalay ayaa carwadaa kusoo bandhigay badeecadaha ay keenaan , agabyo kala duwan iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan, iyadoo qaarkood soo bandhigeen , Dhar, Kabbo, kombuyuutaro, agabka guryaha, cuntooyinka fudud, cabitaano, khudaar, alaabooyinka hidaha iyo dhaqanka oo kala duwan, baabuur nooca raaxada ah, sidoo kale waxaa iyagna carwadaasi noocyada adeegooda ku soo bandhigay shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa xawaaladaha oo soo bandhigay adeegyada ay bulshada u qabtaan. Sidoo kale waxa door ku lahaa inay wax qabadkooda halkaa kusoo bandhigaan shirkaddaha dhismaha oo ka qaybgalay carwadaa.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Seylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadaa ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in carwo noocan oo kale ah ay ganacsatada Somaliland iyo kuwo ajnabi ahi ay ganacsigooda ku soo bandhigaan oo lagu qabto dalka guddihiisa, isaga oo madaxwayne ku xigeenku tilmaamay inay taasi muujinayso dadaalka ay dadka Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda.
wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “runtii farxad wayn bay inoo tahay dhamaanteenba dadka reer Somaliland, carwadan qiimaha iyo qaayaha leh in aynu kasoo qayb galno, taas oo muujinaysa dadaalka ay dadka reer Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda, sida aad la socotaan Somaliland muddo labaatan sanno ah ayaynu isku tashi halkan kusoo gaadhnay, cid kasta oo inaga mid ah, ama aqoonyahan ha noqoto, ama ganacsade ha noqoto, dalka waxbay ku soo biirinayeen, talaabo kasta oo qiimo iyo horumar leh oo aynu qaadnaa waxay inoo dhawaynaysaa, ama inoo soo jeedinaysaa indhaha beesha caalamka, waxaynu wax ka bilawnay meel hoose iyo dal burburay, maantana runtii waxaynu joognaa maalin, ama wakhti lagu faani karo, oo aynu dalal badan oo kursiga jamciyada quruumaha ka dhaxaysa fadhiya aynu kaga horayno dhinaca ganacsiga, xagga dimuqraadiyada iyo xagga nabad geliyadaba.”
Madaxwayne ku xigeenku waxa uu si balaadhan ah ugu mahad naqay cid kasta oo ka shaqaysay in carwadaasi ay qabsoonto, isagoo yidhi, “Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada sida fiican u soo soo agaasimay hawshan ee isku xilqaamay inay qabsoonto carwadan quruxda badan ee ganacsi ah, carwadu sida aynu naqaano waxay muujinaysaa waxyaabo kala duwan, mar waa isbarasho oo ganacsatadii ayaa is baranaysa, marna waxay ganacsatdu is baryaan dadka ay ka ganacsanayaan, bandhiguna qiimo wayn buu leeyahay, shirkaduhu iyaga oo kala duwan ayay hadana shirkad walba u baahan tahay shirkada kale waxay hayso, iyada oo waxay hayaan ay xayaysiinayaan hadana shirkadaha kale waxay hayaan ayay u baahan yihiin oo nin wax walba keenaa ma jiro, sidaa darteed waxaan leeyahay cid kasta oo ummada Somaliland wax u soo kordhisa way ku mahadsan tahay.” Ayuu yidhi Md Saylici.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay sabab u tahay in ganacsatada Somalilnd horumar balaadhan ku talaabsadaan ganacsiga xorta ah oo muddo labaatan sano ah Somaliland ay ku soo dhaqmaysay, isaga oo xusay in ganacsiga xorta ahi uu isa soofeeyo, isla markaana uu faa’iido u leeyahay ganacsatada, wuxuuna yidhi, “Waxa halkaa ina gaadhsiiyay waa tartanka xorta ah, ee aynu ku soo dhaqanay muddadaa labaatanka sanadood ah, tartanka xorta ahi wax uu wanaajiyo mooyee waxba ma xumeeyo, ganacsigu wuu is dhisaa oo wuu isa soo feeyaa, haddii qolo walba meel uun loo daayo way daxaloobi lahaayeen oo way fadhiisan lahaayeen, markaa tartanka xorta ahi wuxuu keenayaa in qiimahaa aynu maanta gaadhnay keeno, in shirkado badani ay yimaadaan, inay dadku adeeg jaban ka helaan, wax badan ayuu runtii tartanka ganacsigu keenaa.”
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland C/rasaaq Khaliif Axmed, isagoo yidhi, “waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada hawshani soo qaban qaabiyay, waxaan idin xasuusinayaa shacbi kasta oo yimaada waxa salka u ahi waa dhalin yarada, xukuumadana siyaasadeedana waxaa ka mid ah dhiiri gelinta dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa, dhinac kasta oo ay noqotaba haday noqoto dhinaca waxbarashadda iyo dhinaca fikir kaba.”
Md C/rasaaq Khaliif Axmed isaga oo faah-faahin ka bixinaya shirkadaha ganacsigooda ku soo ban dhigay carwadaasi iyo shirkadaha gacanta ka gaystay wuxuu yidhi, “waxaa ka soo qayb galay boqol shirkadood oo isugu jira kuwa wadani ah iyo dibada ka yimid, todobaatan ka mid ahi waa wadani sodon k mid hina waxay ka yimaadeen wadamada dibada, waxaana ka mid ah shirkado waawayn oo caalami ah, arrintaana mar labaad ayaan ku amaanayaa shirkadihii soo qaban qaabiyay hawshan oo ay ka mid yihiin OGF, Dahabshiil, Som Cable iyo kuwa kale ee hawshaa soo qaban qaabiyay.”
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin shirkad kasta oo la timaada barnaamij noocan oo kale ah inay kala shaqayn doonaan una fududayn doonaan, waxaanu wasiirku xusay in barnaamijyada noocan oo kale ahi ay faa’iidooyin badan u leeyihiin ganacsatada, dawlada iyo dalkaba, isla markaana ay k turjumayso muuqaalka dhabta aah ee Somaliland ka jira “Ka wasaarad ahaan waxaanu u balan qaadaynaa cid kasta oo la timaada barnaamij kan la mid ah ama hal abuur ka duwan sidii aanu imikaba ugu garab taagnayn hawshan ay qabanayaan in aanu u fududayn doono, barnaamijka noocan oo kale ahi runtii ma aha oo keliya carwo ganacsi oo laga soo qayb gelayo, laakiin waa barnaamij faa’iidooyin badan leh, wuxuu faa’iido u leeyahay ganacsatada soo ban dhigaysa ganacsigooda, oo mar wuxuu u noqonayaa suuq marka dadku socdo ka faa’iidaystaan, waxa kale oo uu u noqonayaa barnaamij ay ganacsigooda ku gaadhsiiyaan meelo badan oo waxaa ka soo qyb gelaya qaybihii kala duwanaa ee warbaahinta meelo badan ayay gaadhaysaa, waxa kale oo faa’iido wayn u tahaay bulsho waynta oo iyaduna ka helaysa baahidooda, waxa kale oo y u faa’iidaynaysaa dawlada iyo dalka oo ay u samaynayso muuqaal aad u wanaagsan oo ah muuqaalka dhabta ah ee dalka.” Ayuu yidhi wasiirku.
Furitaankii carwadaa waxa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Maayarka caasimada Hargaysa, maareeyaha guud ee shirkada dahabshiil iyo xubno ka mid ahaa ganacsatada ajnabiga ahaa ee ka qyb galay bandhiga carwadaasi waxaanay dhamaantoodba sheegeen inay carwadani fursad u tahay is dhex galka ganacsiga.
Dhinaca kale shirkada SOM Cable ee wada kaybalka isgaadhsiinta badda ayaa madasha kusoo bandhigtay muuqaalo kala duwan oo muujinaya mashruuca xadhiga kaybalka oo hawshiisii socoto, isla markaana la filayo inuu xadhiga Caple-ka badda ee ay wadaan dhowaan soo gaadho Somaliland.
Sidoo kale Shirkaddaha Dahabshiil Group ee xawaaladda iyo isgaadhsiinta SOMTEL ayaa ka mid ahaa shirkadaha safka hore kaga jiray carwadaa ee kusoo bandhigay adeegyadooda, balse shirkadda Telesom ayaan kasoo xaadirin bandhiga Carwadaa. Dhinaca kale Aflax Constriction oo ah shirkad dhinaca dhismaha Somaliland si weyn uga hanaqaaday ayaa ka mid ahaa shirkadaha dhismaha ee kusoo bandhigay nashqadaha adeegyada dhismayaasha casriga ah ee ay sameeyaan.
Iyadoo Shirkadda Al-Nuur Furniture oo ah shirkad si weyn u talaabsatay, isla markaana sanadii u danbeeyay isku balaadhisay Geeska Afrika, taas oo keenta qalabka Guryaha iyo Aagabka Xafiisyada kusoo bandhigtay carwadaa qalabka guryaha, Go’gosha, Hurdada, xafiisyada iyo dhamaan waxqadkeeda iyo waxa ay keento oo ah mid muqaalo iyo bilic weyn leh. Gudoomiyaha Al-Nuur C/raxmaan Maxamed Al- Nuur ayaa sheegay inay fursadan carwada ay uga faa’idaynayaan bulshada, isla markaana 50% qiima dhimis lagu sameeyay badeecadaha agabka ay shirkad ahaan keenan mudada carwadani socoto, wuxuuna uga baaqay inay fursadaa ka faa’idaystaan bulshada Somaliland, isagoo dhinaca kalena u qaybiyay buugaag uu qofku nooca uu doonayo alaabta ay hayaan ka dooran karo oo lagu nashqadeeyay. Sidoo kale Gudoomiyaha Al-Nuur wuxuu sheegay inay jirto fursad kale oo qof kasta oo is diiwaan geliyaa kaga qayb qaadan karo bandhig balaadhan oo ay soo wadaan sannadka cusub, kaas oo abaalmarino qiimo baddan oo baaruur ku jiro lagu helayo.
Dhinaca kale muuqaalka iyo agaasinka Carwadaa ayaa ahaa mid si weyn loo soo habeeyay, balse waxay ahayd carwadii ugu horaysay ee aanay soo qabanqaabin rugta ganacsiga Somaliland, iyadoo ay koox dhalinayaro ahi soo qabanqaabiyeen bandhiga carwadaa, taas oo keentay in fagaaraha laga waayo shirkaddaha waaweyn ee bandhigyadan carwooyinka oo kale safka hore ka geli jiray. Sida shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo aan kasoo xaadirin goobtaa.
Lama garanyo sababta ay shirkadda iyo kuwo kale oo carwoooyinka lagu arki jiray aanay goobta u iman, balse furitaankii carwada kadib waxa soo baxay tabashooyin iyo fadeexado dhinaca maamulka ah oo la xidhiidha habka loo maamulay lacag kumannaan dollar ah oo laga qaaday ganacsatada iyo mulkiilayaasha shirkadda waaweyn iyo kuwo kaleba , taas oo aan lagu fulin adeegyadii loo baahnaa in loogu qabto ganacsatada iyo shirkaddaha soo bandhigay adeegyadooda. Waxaana dhaliil weyn iyo cabashooyin kasoo baxeen dhinaca warbaahinta oo aanay ganacsatada qaarkood oo ka gaabsday in magacooda la xusaa sheegeen inaan doorkii loo baahnaa laga siin si ay u gudbiyaan waxyaabaha ay soo bandhigeen iyo ganacsigooda, maadaama ujeedada ugu weyn ee loo qabtay carwadu tahay bandhiga xayaysiiska waxyaabaha ay ka ganacsadaan, wax soo saarkooda iyo adeegya
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com