Hargeysa(ANN)Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, ayaa sharaaxad ka bixiyey ujeeddada hawlgallada baadhitaannada ah ee ay xilligan ka wadaan qaar ka mid ah hay’adaha kala duwan iyo dareennada xasaasiga ah
ee ka dhashay baadhistaa oo saamayn ku yeeshay masuuliyiin iyo saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa xukuumaddii dhowaan talada wareejisay ee Daahir Rayaale Kaahin, taas oo ka tagtay lacago ay ku sheegtay Deyn oo gaadhayay 40milyan oo dollar.
Mr. Maxamed Aw Cabdi Ibraahim oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa shalay wuxuu si cad u sheegay in aanay waajibka dastuuriga ah ee faraya hawsha ay qarnka u hayaan cidna kaga gabanayn oo aanay uga indha qarsanayayn, isla markaana ay hawsha u wadaan qaabka ay Ha’yadaha dawladu u kala culus yihiin, wuxuuna meesha ka saaray doodaha hawshooda dadka qaar sida khaldan fasiraada uga bixiyeen. Sidaa awgeed aanay jirin cid si gaara loo eryanayaa.
Hawlgalka baadhitaannada ah ee Hantidhawrku waqtigan wado oo ku jihaysan tirokoobka guud ee hantida qaranka iyo habka loo maamulay kharashaadkii hay’adaha kala duwan ee dawladda ugu jiray miisaaniyad-sannadeedka 2010, taas oo wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore ku sheegay xiligii uu golaha ka ansixinayay 360bilyan oo Somaliland sh.ah, balse gebi ahaanba la waayay halka uu ku danbeeyay ku tala galkii dakhligii xiligaa oo todoba bilood ka dib xilka lagala wareegay, iyadoo aanay shaqaalaha dawladu mushahar iyo gunooyin midna u xaadirin dhawr bilood , isla markaana xukuumadda cusubi ee la wareegtay xilku bixisay shaqaalaha mushaharooyinkii ka maqnaa.
Waxaana jira warar sheegaya in afartii bilood ee la soo dhaafay ay soo ifbaxeen fadeexado musuqmaasuq aad u culus oo hadheeyey hay’ayadaha la baadhayo qaarkood. Hase ahaatee, tallaabooyinkaas baadhiseed ayaa waxa ka dhashay dareenno xiisad iyo xammaasad laga abuuray, kadib markii hawlgallada baadhistu galeen masuuliyiin sare iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsanaa xukuumaddii hore, arrintaa xubno uu hormood u yahay wasiirkii hore ee Maaliyadu ku sifeeyay inay tahay tallaabo xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo kaga aargoosanayso cid gaar ah.
Haseyeeshee, Hantidhawraha Guud, ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaa, isagoo ku tilmaamay mid la doonayo in lagu siyaasadeeyo hawshooda oo la doonayo in lagu majara habaabiyo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in aanay baadhitaannadoodu ahayn kuwo cid gaar ah loola jeedo amma lagu daba socdo, balse baadhitaankoodu ka mid yahay waajibaadkooda koowaad ee Hantidhawrka Guud u xilsaaran yahay, sidaa awgeedna baadhistoodu ku egtahay oo keliya xafiisyada hay’ayadaha dawladda iyo hadba cidda masuulka ah ee hawlaha baadhitaanku khuseeyaan.
.Mr. Maxamuud Aw Cabdi oo ugu horreyn sharraxaad ka bixinayey dulucda iyo ujeeddada ka dambaysa hawlgalladooda baadhiseed iyo goobaha ay ilaa hadda gacanta saareen, waxa uu yidhi, ” Hanti dhowrka qaranku dawlada ayuu ka mid yahay, laakiin wuu madaxbanaan yahay, waxaana loo madax banaaneeyay inay shaqada si dhab ah u qabsadaan, cadaaladana dhowraan iyadda oo aanay wax farogalin ah lagu samaynin.
Wajibaadka aanu gudanaynana kuwan qaybo ayay u sii kala baxdaa, kuwaas oo baadhis hore, baadhis dambe iyo baadhis dhexe, mudadii aanu joognayna waxay ahayd in aanu dhaqaajino hawlaha xafiiska ee umadda, dawlada iyo Madaxwaynuhuba noo igmadeen ayay ahayd waana waajib, laakiin maadaama oo ay hawl baadhis ku lugle ay tahay aragtiyo iyo aaraa kala gadisan ayaa ka soo baxda qofka aan xog ogaalka ahayna inay si wax yihiin ayuu moodayaa ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay qofku in la baadho ma jecla, qof walbana inuu wax xun sameeyo ma jecla, haddana waala badhayaa qofkii wixii uu umadda u hayay oo waa laga baadhayaa qofba si haku ahaato’e.
“Sidii caadiga ahayd ayaanu ku bilownay baadhista, qaylo ama aragtiyo kala duwan, ama hadalo kala duwan oo baadhisahaa qaarkood ku soo baxayna way jiraan, laakiin anaga baadhistayadu waxay ku socotaa saraakiil, ama dadkii hore ee hantida dawlada hayay noomana kala soocna, oo nooma kala laha geed hebel iyo geed hebel sida ay u kala muhiimsan yihiina iyo sida waajibku yahay ayaanu u kala horeysiinaynaa, imika intii aanu joognay waxaanu baadhis ka samaynay wasaaraddo kala duwan iyo shaqaale kala duwan oo mid walba meesha uu joogaa ay khusayso, markaa waxna baadhisteedu noo socoto, waxay noo dhammaatay iyo wax ka soo baxeenba way leeyihiin.” ayuu yidhi,
Sidoo kale isaga oo sharaxaya wasaaraddaha ay baadhitaanka ku sameeyeen, waxa uu yidhi, ”Wasaarada waxbarashadda oo wasaaraddaha dalka kuwo ugu waawayn oo ugu culus ah baadhistu way nooga socotaa, wasaaradda Maaliyadda oo iyadu hormuudka wasaaraddaha ah baadhistu way nooga socotaa, waxaynu ku jirnaa afartii bilood ee sanadka ugu dambeeyay miisaaniyadda qaranku ku socdaana waxa ay xidhmaysaa afartaa bilood marka ay dhammaadaan, oo miisaaniyad cusub ayaa loo guurayaa.”
Mr. Maxamuud Dheere waxa uu sheegay maadaama oo sanadkii cusbaa soo dhowyahay sidaa daradeed wasaaradaha ay baadheen u doonteen xisaab xidhadii sideedii bilood ee sanadkan ka tagay Labadaa afar bilood ee sanadka 2010-ka xisaabteedii ayaanu wasaarad walba u doonanay, oo wasaaradaha kale ee aanu baadhnay waxa ka mid ah wasaarada kaluumaysiga, mida kale sida dadka qaar suuqa ka sheegayaan maaha in dadka qaarka la baadhay qaarna laga tagay. Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray waxa kale oo aanu baadhnay madbacada qaranka oo ka mid ah hay’adaha madaxa-banaan, wakaalada korontada ayaanu baadhnay, wasaarada macdanta iyo biyaha ayaaanu baadhnay, ugu yaraan 17 hay’ayadood ayaanu baadhnay, markaa meel walba waanu baadhnay ee may ahayn wax meel ku wajahan, Ayuu yidhi.
Hanti-dhowraha guud waxa uu sheegay in hay’ayadaha madaxa banaan iyo wasaaraddaha dawlada wixii soo kala dhex gala ay xaliyaan, Mida labaad in wasaaraddaha, ama hay’ayadaha madaxa banaan ka dhex dhacana waanu xadidnaa oo waxa ay isku hayaan in aanu u kala cadaynaa waa dow, way jirtay dayn Wasaaradda Maaliyadda iyo baanka, taa la lafteeda awood ayaanu u lahayn oo waanu galnay, wax cid gaar ah loogu jeedana may ahayn ee dadkii halkaa faraha ku soo hayay ayuunbaa wax laga waydiinayaa oo la odhanayaa sidee ayay wax ka yihiin oo wax uga socdaan. Isaga oo haalkiisa sii watana waxa uu intaa sii raaciyay, Tv-ga qaranku waa hay’ayadii afraad ee aanu baadhno ayay ahayd, walina gacanta ayaanu ku haynaa, maaha in cidi na tidhi soo baadha Tv-ga qaranka, ama idaacada soo baadha, sida ay u kala mug wayn yihiin ayaanu u kala horeysiinaynaa, baadhistuna way soconaynaa, si aanu u fulino balantii xukuumada cusub shacabka u qaaday, anaguna waajib qaran ayaanu gudanaynaa waana wixii la balan qaaday.”
Hanti dhowrku waxa uu sheegay inay lacag badan ku qabteen baadhitaankooda, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, Lacago badan iyo hanti badan oo dawladu lahayd ayaanu soo qabanay oo aanu xernay, taasina waa faa’ido u soo korodhay qaranka, lacago badan oo dadka si khaldan looga qaadayay ayaanu joojinay oo aan xeer lahayn.
Hanti dhowruhu waxa uu beeniyay inuu isagu xayiray gudoomiyhii hore ee baanka Somaliland ”Waxaan arkayay Wargeyska Waageen oo qoray Hantidhowrka waa wax xayiray, anagu ma lihin awood wax xayiraad, maxkamaddaha ayaa leh, laakiin anagu waxaanu leenahay in aanu qofka lala xisaabtamayo ayaanu ogaysiinaa oo aanu nidhaahnaa hebelow u soo diyaar garow oo haka tagin oo haka bixin inta hawshaasi ka dhacayso.”
Waxa kaloo Hantidhawraha Guud ku adkaystay in aanay sinaba u joojin u doonin baadhitaannada ay wadaan, isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Baadhistan dantii umaddan ayaa ku jirta oo ma joojinayno ee waanu wadaynaa inta itaalkayaga anaguna waxaanu la imanaynaa baadhis wanaag haddii ILAAHAY yidhaahdo.”
Hadalka madaxa hantidhawrka guud ee qaranka ayaa kusoo beegmay ka dib markii wasiirka warfaafinta C/llaahi geel jire oo maalintii shalay ka hadlayay Idaacada BBC, laanteeda Afka Soomaaligu sheegay inuu raaligelin ka bixinayo haddii ay jirto xayiraad lagu soo rogay gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland C/raxmaan Ducaale oo sheegay in safar uu dalka debeda uga bixi lahaa laga xayiray.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380