Hargeysa(AAN) Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista  marxuum Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Xaaji Dool), ayaa maanta ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa. Ehelada Marxuum xaaji Ibraahim C/llaahi ayaa sheegtay in maalinta Beri lagu aasi doono

 

Marxuumka xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga magaalada Hargeysa. allah haw naxariistee Marxuumku wuxuu ahaa Oday aad looga yaqaanay dhulka Soomaalidu degto oo dhan, wuxuuna mudo dheer ku noolaa magaalada Muqdisho xiligii ay ahayd caasimadii Somalia ee aanay burburin dawladii jamhuuriyadii Somalia, isagoo ku lahaa ganacsi iyo hanta baddan.
Hase yeshee markii ay burburtay Somalia wuxuu Xaaji Ibraahin usoo wareegay  dhinaca Somaliland oo u dhashaym, wuxuuna aasaasay Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista  dabayaaqadii sagaashanadii, taas oo uu ka sharciyeeyay xukuumaddii marxuum Cigaal, isla markaana laamo iyo xafiisyo ku yeelatay dhamaan gobolada Somaliland, iyadoo gudidaasi si tabaruc ah uga shaqaynaysay inay bulshada ka wacdido xumaanta iyo fasahaadka, isla maraakana u bandhigto wanaaga iyo hanuunka jidka toosan.
Gudida uu gudoomiyaha u ahaa Marxuum xaaji Ibraahin, waxay ku guulaysatay inay bulshada waxyaabo baddan dhinaca wacyigelinta  wanaaga ay farayeen iyo xumaan reebista ku guulaystaan, taas oo ay ku yaraadeen fasahaadka sinada, khamriga, diin cayga iyo waxyaabaha kale ee dhaqanxumada u horseeda bulshada. Wuxuuna marxuumku kala kulmay hawshaa mutadawacnimada ah xadhig. Kadib markii uu dhamaadkii 20001, baadhitaano uu sameeyay ku ogaaday waxyaabo dhamanxumo iyo fawaaxish ay Hay’addaha dalka ka hawlgala ee ajaanibku wadeen, taas oo markii uu xukuumaddii Marxuum Cigaal u bandhigay xabsiga loo taxaabay, balse mudo kadib lasii daayay, iyadoo talaabada ay xukuumaddu ka qaaday xiligaa keentay inay gudida uu Marxuum Ibraahin (Xaaji Dool) hogaaminayay dar-dartii hawshooda hoos  u dhac ku yimi. Kadib markii ay xukuumaddii waqtigaasu cadaadis saartay.
Balse Marxuum Xaaji (Dool) iyo gudidiisu may joojin shaqadii ay bulshada u hayeen, waxayna wada shaqayn la laahaayeen dhamaan booliska Somaliland, laakiin mar kale ayaa iyagoo hawshoodii wata xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale hakisay shaqadooda mutadawacnimo. Kadib markii loo aaneeyay  inay xidhiidh la leeyihiin kacdoonkii ay ka dhasheen maxkamaddihii  Islaamiga ah ee Somalila qabsaday  2006. Waxayna Gudida uu hogaaminayay Marxuum  Xaaji Ibraahin saartay xukuumaddii Somaliland xiligaa ee Daahir Rayaale culays lagu ogaanayo hawshooda mutadawacnimo, taas oo mudo dhawr sanno ah qaadatay inay gudidu hawshoodii sidii ay socotay wax badani iska bedeleen gobolada dalka Somaliland. laakiin mar kale ayay soo celiyeen dhaqdhaqaaqoodii wacyigelinta ee wanaagfarista iyo xumaan reebista.
Waxayna Gudidaa marxuum Xaaji Ibraahin (xaaji Dool), mudooyinkii u danbeeyay soo bandhigtay mawduuc dood baddan bulshada ka dhex  abuuray oo ku saabsanaa in la fududeeyo guurka, taas oo ay sabab u dhigeen inuu yaraaday guurkii, isla markaana ay taasi sababtay fasahaad dhinaca dhalinyarada oo ka shaacay guurka oo qaalli ah iyo dhaqaalle xumo iyo shaqo la’aan ku habsatay bulshada Somaliland.  sidaa awgeed ay soo jeediyeen mawduucaa la xidhiidha in la dhimo kharashka Guurka oo ay sheegeen inuu sabab u noqday inuu yaraado guurku. Hawshaa oo ay marxuumka iyo gudida uu hogaaminayay gacanta ku hayeen intii aanu xaqu kusoo deign.
Marxuum Xaaji Ibraahin Dool Illaahay naxariistii janno ha ka wareebiyee wuxuu ahaa Oday si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayay bulshadiisa oo wax baddan qabtay, isla markaana ilaalinayay dhaqanka suuban ee bulshada iyo Diinta, taas oo uu iskii isugu hawlay mudadii u danbaysay noloshiisa.(waraysigii u danbeeyay ee uu kaga hadlayay arrimaha Guurka oo shebekada Araweelonews iyo jamhuuriya ka qaadeen marxuumka maalmihii u danbaysay nolishiisa halkan ka akhriso).
Dhamaan weriyayaasha iyo hawlwadeenada Shebekadda Araweelonews, waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii, ehelkii,asxaabtii iyo Ummadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum  Xaaji Ibraahin  C/llaahi (Xaaji Dool) oo maanta ku geeriyooday gudigiisa, waxayna  Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana Illaahay janadii fardawsa ka waraabiyo.
أنا لله وأنا إليه راجعون

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *