Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro), ayaa ka waramay kulan albaabada loo xidhay oo ay maanta xafiiskiisa ku wada yeesheen Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo shalay booqasho ku yimi caasimada

 

somalialnd ee Hargeysa.
Cabdiraxmaan Cirro oo kulankaa uu la yeeshay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ka dib saxaafadda xafiiskiisa ugu waramay ayaa faah-faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen Faarax Macalin, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Waxaanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada baarlamaan kaas oo aanu hore uga wada hadalnay xidhiidhna noo socday, kaas oo ay ka mid tahay in shaqaalaha baarlamaanka Somaliland lagu soo tababaro Kenya.”
Waxaanu intaas ku daray “Waxaana laga yaabaa in bisha saddexaad ee sanadkan ay u baxaan wadanka Kenya madax ka tirsan gudiyada baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo iyaguna halkaa ku soo qaadan doona aqoon iswaydaarsi”
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa kale oo uu sheegay in kulankoodaa ay isku weydaarsadeen aragtiyo kala duwan, waxaanu yidhi “Faarax Macalin waxaanu ka wada hadalnay arimaha Geeska Afrika dhamaantood iyo arimaha Somaliland, waxaanuna iska waydaarsanay aragtiyo guud”
Gudoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko talaabadii albaabada loogu xidhay HCTV iyo Xadhiga Suxufiyiinta waxaanu tilmaamay inuu aaminsan yahay in iyadoo lagu dhaqmayo shuruucda dalka la ilaaliyo madaxbanaanida saxaafadda, waxa uu yidhi “Qaranka Somaliland waxa uu leeyahay shuruuc iyo xeerar xuquuqda muwaadinkana dastuurka qaranka ayaa ilaalinaya markaa guud ahaan waxaanu taageersanay madax banaanida saxaafada xorta ah wixii maamulana cidii gacanta ku haysa ayaa ku shaqo leh, saxaafada laftigeedana waxa looga baahan yahay inay ilaaliso ethics-ka Saxaafada.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *