Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn ugu canbaareeyay Siyaasiyiinta Sool falalka dagaalka ah ee ay ka wadaan gobolka Sool, sidoo kale
wuxuu xukuumadda Somaliland ku dhaliilay in aanay u gurman dadkeedii oo la laynayo.
Gudoomiye Faysal oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa kale oo uu ka hadlay tacadiyo uu sheegay in lagu hayo Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland, isagoo tusaale usoo qaatay mid ka mid ah raggii loo haystay weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal oo la sheegayo in xabsiga laga sii daayay, iyadoo aan maxkamaddi sii deyn.
Halkan Ka Daawo Gudoomiyaha UCID oo arrimahaa iyo kuwo kale ka hadlaya Riix.