Hargeysa(ANN)Guddomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xassan Maxmed Cali (Gaafadhi) ayaa ku baaqay in ay iscasilaan gudida doorashooyinka qaranka Somaliland, isagoo ku eedeeyay inay ku kaceen musuq-maasuq iyo maamulxumo doorashadii golaha deegaanka ee

dalka ka dhacday oo ay masuul ka ahaayeen.

Dr. Xasan Gaafaadhi, waxa uu soo jeediyay in xiisaanada laga qaado xubnaha komishanka doorashooyinka haddii damiirkoodu siiinwaayo inay is casilaan, isagoo dhinaca kalena shaaciyay inay aqbalayaan natiijada doorashada marka si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Guddomiyaha Ururka Rays Xasan Gaafadhi, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaar;id oo uu xafiiskiisa Hargeysa ku qabtay maanta, kaas oo ay ku weheliyeen saraakiil ka tirsan Urur siyaasadeedka Rays, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka Somaliland, si gaara ugu mahad celinayaa taageerayaasha Ururka Rays meel kasta oo ay joogaan, anigoo uga mahad celinaya taageeradii ay nasiiyeen iyo mabda’ii ay ku ayideen Ururka Rays.”

“Doorashadii ka dhacday dalka sida la wada ogyahay, waxay guud ahaan dhalisay muran iyo shaki faro-badan, waxaana sabab u ahaa  Komishanka Qaranka ee garan waayay hawshooda oo aan marnaba buuxin kaalintii laga sugayay  oo u muuqday kuwo aan danba ka lahayn khaladaadka iyo wax Isdaba marinta Baahsan ee ku suntanayd maalintii Codbixinta iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay.” ayuu yidhi Dr. Xasan.

Gudoomiyaha Rays waxa kaloo uu tusaale usoo qaatay Natiijadii hordhaca ahayd ee gudida doorashooyinku ku dhawaaqeen 6 Dec, taas oo ahayd natiijadii degmada Hargeysa, balse sida uu sheegay isla 8 bisha, laba maalmood ka dib ay sheegeen inay natiijadaasi khalad ahayd oo dib loo tiranayo codadkii Hargeysa. 
Laakiin ay mar sadexaad hadana Bisha 10-keedi ku Dhawaaqeen inay Tirinta codadka Hargeysa dib uga noqdeen, tusaalayaashaa oo uu sheegay inay cid walba ugu filnayd in gudidii loo xil saaray doorashada horseed ka yahiin masiibadii ka dhalatay doorashdii  ay gacanta ku hayeen,  taas oo sabab u noqonkaraysay bur-bur iyo  amaan daro mug-leh.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay xaqiiq ahayd in waxa ka dhacay Hargeysa wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhammaan gobolada dalka, taas oo sida uu xusay in ay  doorashadii sida nabadgelyo ah ku dhacday aan laysla diidanayn, sida ay shaaciyeen ayuu yidhi goob-joogayaashii beesha caalmka,  marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhcay. Laakiin  Gudoomiyaha Rays waxa uu sheegay in aanay cidna ka qarsoonay inay  foolxumo aad u weyni dhacday, taas oo sida uu sheegay   dil-dilaac weyn  dhex-dhigtay shacabka Somaliland, isla markaana mustaqbalka doorashooyinka iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland si culus  u dhawacaysa.

Gudoomiyaha Rays waxa uu sheegay in iyadoo waxaas oo dhami jireen oo ay adagtahay in lagu qanco natiijada kasoo baxda doorashada noocaas ah, ay hadana Urur ahaan qaateen mawqif dalka iyo dadka dan u ah, kaas  oo ah inay ku qancayaan natiijada, isagoo yidhi,  “Markaanu eegnay baahida nabadgelyo ee shacbigayaga sida xalaasha ah noogu codeeyay, laakiin la dulmiyay mudanyahay ee aanu la tashanay taageerayaashayada oo ay ku weyntahay wadaniyada, midnimada iyo Ilaalinta qaranimadooda, waxaanu go’aansanay in aanu aqbalno natiijada lagu dhawaaqo ee ku laalan maxkamadda doorashadii la galay 28 Nov 2012.
Laakiin waxaanu soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashada gacanta ku haysaa shuruud la’aan isu casisho. haddii ay taa  garan  waayana  Xasaanadda laga qaado oo lala xisaabtamo.”ayuu yidhi. Dr. Xasan Gaafaadhi.

Gudoomiyaha Rays, waxa kale oo uu sheegay inuu tacsi u dirayo Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyarayadii Ku geeriyootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa, kaas oo sida uu sheegay ay kaga cabanayeen khaladaad ku yimi  codadkii ay dhiibteen, wuxuuna Illaahay uga baryay inuu inta dhimatayna u naxariisto inta dhaaca ahna caafimaad deg -deg ah siiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *