Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Rays Oo Hafiyay Fagaarayaasha Hargeysa Iyo Muuqaalo Cajiib Ah Oo Ay Kusoo Bandhigeen Magaalooyinka Kale
Laascaanood, Berbera, Caynaba iyo Gebilay, iyagoo kumanaan ka mid ah taageerayaasha Ururkaa , musharixiinta u tartamaya doorashada iyo masuuliyiintoodu si cad u muujiyeen cududooda iyo baaxada taageerada ururkooda.
sidoo kalena fagaarayaasha qaarkood kusoo bandhigay muuqaalo soo jiitay indhaha bulshada oo isugu jiray Awr lagu raray Aqal-soomaali ka turjumaya dhaqanka bulshada iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.
Fagaaraha Beerta xoriyada Hargeysa oo ay isugu soo baxeen kumanaan ka mid ah taageerayaasha Rays oo sitay astaamaha musharixiinta iyo calanka Ururka, kuwaas oo socod gaadiid iyo lugba ku tegey fagaaraha. kadib markii ay jihooyinka xaafadaha magaalada hargeysa isaga yimaadeen.
Gudoomiha Gobolka Maroodi-Jeex Ee Urur Siyaasadeedka Rays C/risaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay fagaaraha ayaa u mahad-naq balaadhan u Jeediyay dhamaan taageerayaasha Ururka Rays, wuxuuna ku faanay oo si gaar ah ugu mahad-naqay Murashixiinta Ururka Rays oo sida uu sheegay aanay la,aantood waxba suurto galeen, wuxuuna ku tilmaamay lugaha uu ku taaganyahay Ururku.
Mr. Kildhi wuxuu taageerayaasha ku dardaaray inay maalinta codbixinta muujiyaan taageerada ay u hayaan Ururka oo ay guulaystaan musharixiinta iyo Ururkuba, isla markaana ay ka dhabeeyaan himiladooda iyo guusha ay wada doonayaan.
Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Ururka Rays, isla markaana ah musharax u taagan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee Hargeysa, wasiirkii hore ee Beeraha Aaden Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo la hadlay taageerayaasha RAYS, ayaa yidhi, “RAYS, wuxuu u taaganyahay taageerada Danyarta, Bulshaweynta Somaliland Ilaahay Idankii waxaan rajaynaynaa Inuu Ururka Rays noqdo kii soo baxa, Ururka Rays waxa keliya ee Maanta u hadhay waa waqtiga oo keliya, wuu soo bixi doonaa oo xisbi ayuu noqonayaa haddii Illaahay idmo, waynu guulaysan doonaa Illaahay idinkii ” ayuu yidhi Aaden Dhoolayare.
Qaar ka mid ah musharixiinta Ururka RAYS ee Hargeysa ayaa hadalo ka jeediyay halkaa. Mr: Cumar Goodaan oo kamida Murashixiinta Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa uga Sharaxan Ururka Rays, oo ka mid ahaa xubnaha ka hadlay fagaaraha ayaa sheegay inuu metelayo bulshada Hargeysa, balse uu si gaar ah u metelayo bulshada laga tiradabadanyahay, isagoo yidhi, “Anigu waxaan matalaa Bulshada laga tirada badanyahay. Laakiin Maanta Ma qabo taas ee waxaan matalayaa Bulsho Tiro Badan Dhamaan Dadka halkan Isugu baxay waa bulshadaydii, waa bulshada Codka isiin doonta, waxaana leeyahay Insha Allaah waynu guulaysanaynaa” Ayuu Yidhi. Musharax Cumar Goodaan.
Sidoo kale Ilhaan Faleenbo Oo Kamida Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Rays Ugu tartamaya Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa oo ka mid ah haweenka ugu cad-cad ayaa sheegatay inay dhalinyaradu yihiin kuwa wax bedeli kara, iyadoo “Anaga waxaa naloosoo xulay inaanu kamid noqono Murashixiinta nasiibka u helay inay kamid noqdaan kuwa u tartamaya Caasimada Hargeysa, run ahaantii Maanta Caasimada Hargeysi waxay u baahantahay daryeel iyo in la daryeelo, bilicdeeda, waana inaynu ka kawada shaqayno, Aduunkan aad arkaysaan waxa bedelayna waa Dhalinyaro, Dhalinyarada ayaa Hormood u noqota is bedelkasta, Anagoo Matalayna Dhalinyarada Caasimada Hargeysa ka sharaxan waxaanu ku rajo waynahay inay Bilicda Caasimada Hargeysi noqoto mid Lagusoo taamo oo caasimadaha caalamka la talaabsatay” ayay tidhi Ilhaan Faleeno.
waxa kale oo fagaarahaa hadalo ka Jeediyey Murashixiinta Ururka Rays uga sharaxan Caasimada Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood sheegay barnaamijyadooda iyo waxyaabaha ay doonayaan inay wax ka qabtaan, isla markaana ku dar-daaray taageerayaasha inay codkooda la garab istaagaan maalinta cod bixinta.
Sidoo kale Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Ururka RAYS, ayaa maanta dhoolatuska kaanbaynka isugu soo baxay fagaaraha Burco, kaas oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan mudadii uu socday ololaha kaanbaynku.
Gudoomiyaha RAYS Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Afhayeenka RAYS Khaliif Maxmed Warsame(Khaliif Xiinwaal), ayaa kala qaybgalay taageerayaasha RAYS munaasibadaa.
Dr. Gaafaadhi, ayaa ugu baaqay Ururada hadha inay natiijada abalaan, wuxuuna isagoo la hadlaya kumanaan taageerayaasha Ururkiisa ah sheegay in ururada tartamaya sadex kasoo baxaayn. sidaa darteed aanay cadhoon Afarta hadhaa, isagoo yidhi, “RAYS ma noqonaya mid natiijada ka cadhooda, mana noqon doono mid madaxdiisu xamar tagaan marka natiijada la sheego haddii ay hadhaan ee way joogayaan, waxaan noon doonaa kuwa koowaad ee ku qanca natiijada mana tegi doono xamar iyo meel kale toona, waxaan idiin rajaynayaa guul insha Allaah waynu guulaysanaynaa” ayuu yidhi Gaafaadhi.
Dr.Xasan Gaafaadhi, waxay taageerayaasha uga mahadnaqeen sida xamaasadda leh ee ay cududooda saaka u muujiyeen uguna soo gunaanadeen ololihii ay afarta jimce soo wadeen, waxay masuliyiintani sheegeen in ururka RAYS Degmooyinka iyo gobolada Dalka oo dhan sidan iyo si ka daran loogu soo baxay looguna soo bandhigay cududa taageerada RAYS oo uu sheegay inay cid walba ka yaabisay.
.
Sidoo kale Afhayeenka ururka RAYS Khaliif Maxmed Warsame(Khaliif Xiinwaal), ayaa la hadlay taageerayaasha baaxadda lehaa ee maanta qarqiyey fagaaraha khayriyadda Burco, iyadoo qaar ka mid ah Murashaxiinta Golaha deegaanka urursiyaasadeedka RAYS uga sharraxan Degmada Burco ka jeediyeen halkaa tilmaamo ay ka bixinayaan waxa ay doonayaan inay qabtaan iyo barnaamijkooda geba gebadii waxay taageerayaasha RAYS socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalooyinkaa. iyadoo sidan oo kale isu soo baxyo waaweynay ka sameeyeen magaalooyinka Boorama, Ceergaabo,Laascaanood, Caynaba, Berbera iyo Gebilay, kuwaas oo ay kusoo khatimeen ololaha kaanbaynka doorashooyinka golayaasha deegaanka oo hada geba-gebo ku dhow, isla markaana maalinta Arbacada ee todobaadkan ay dadweynaha Somalialnd u dareerayaan cod bixinta doorashadaa.