Hargeysa(ANNGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa daboolka ka qaaday inay taagan yihiin kiisas fara badan badan aan cid fulisa ilaa hadda la hayn, kuwaas oo sida uu

 

sheegay culays ku haya Garsoorka Somaliland.

Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyey aqoon-isweydaarsi la xidhiidha shaqada xafiiska xeer-ilaalinta qaranka oo ka furmay shalay magaalada Hargeysa, wuxuuna cadeeyay in qaranku ku dhismayo oo keliya ku dhaqanka sharciga, isla markaana cid walba ka sarreeyo sharcigu, isagoo xusay in dembiyada ku suntan xeerka ciqaabta guud yihiin qaar aan cid ka baxsan kartaa jirin min madaxweyne iyo ilaa qof shacab ah.

“Wada-shaqayn baa innaga dhexaysa, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa; ‘Reer wuxuu ku dhismaa talo oday iyo xoog nin da’yar.’ Markaa anigu waxaan aaminsanahay in qaranka Somaliland ku dhismayo in sharcigu cid walba ka sarreeyo, macnaha aan ula jeedaana waa in sharciga lagu dhaqmo.

Waxa kaloo qaranku ku dhismayaa inteenna xidhiidhka wada shaqayneed leh (Maxkamadaha, xeer-ilaalinta, booliska) oo shaqada isku fudaydina, awoodaheenna shaqo ha kala duwanaadaane, laakiin yeynaan u fahmin inay jiraan wax aynu kala leenahay. Shaqada la qabanayaa waa mid aynu wada leenahay oo qoloba dhan ka soo gelayso. Waa shaqo ayeynu isku baraarujinayno, sida saddexda waaxood ee qaranku (fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorka) isku kaantaroolayaan ayuun baynu isku kaantaroolaynaaye, markaa waajibaadkaaga adigoo seeggan ama dhaafsan haddii laguu tilmaamo ceeb ha u qaadan. Xeer-ilaaliyoow ceeb ha u qaadan haddii lagu yidhaa kiiska aad soo oogtay eeddani kuma filna ee caddayn kale keen, haddaanad haynna eedda la noqon ha u qaadan in adiga lagu caayey ama xafiiskaaga wax laga sheegay, waxaadse u qaadataa caddaaladdii oo laguu sheegay ee ku qanac.

Booliskow haddii lagu yidhaa; ‘Maxaad maxbuuskan u soo qabatay? Ceeb ha u qaadan, waajib ayaana xaakimka ka saaran inuu hubiyo horta dambi ma dhacay. Markaa waa in aanad adiguna iska odhan awood isku filan baad leedahay oo waxaad doonto ayaad samayn kartaa. Qofka lagaa dalbado waaran qabasho u soo saaro, markaad eegto in shuruudihii lagu soo qabanayey dhan yihiin ayaa lagaa helayaa oo aad soo saaraysaa si loo soo qabto. Booliskoow haddii lagu yidhaa qofkan maxaad ku soo qabatay ceeb ha u qaadane ku qanac in lagu saxay oo caddaalad laguu tilmaamay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kale oo uu la hadlay bahda saxaafadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Saxafiyoow, qof waliba dambi buu geli karaa, xeerka ciqaabtuna wixii dambi ah wuu caddeeyey, suxufi baan ahayna kaa joojin mayso dambi aad gashay. Haddaad shaqo aan taada ahayn gasho, haddaad sir dawladeed iyo xeryo ciidan iska gasho oo aad jaraa’idka kaga warranto suxufiyoow noqon mayso dambi maan gelin oo suxufi baan ahayn. Xeerka saxaafadda iyo anshaxiisu sidaad shaqiidana u wanaajisan lahaydeen buu idin kala hadlayaye idiinma dammaanad-qaadayo qallinka dambi laguma galo.

Xorriyadda, sharfta, nolosha iyo inta qawaaniinta caalamiga ah ka hadlaan ee qofku sida gaarka ah u leeyahay in la dhawro weeye. Anigu waan jecelahay saxaafaddeenna oo qayb weyn bay dalka kaga jiraane inay doorkooda gartaan, mana aaminsani in saxaafadda lagu tacadiyo, xeerkoodana in la ixtiraamo ayaan aaminsanahay. Waxaan ka murugoodaa markaan maqlo boolis baa galay xafiiskooda amma qolkii xafiiska u ahaa ee ay wax ku qorayeen iyagoo bilaa waaran ah. Nimanka saxaafaddu qallin bay wax ku qoraane, mana qarxaan, wax qarxahana meesha ma soo dhigtaan ee waa qallinkooda uune waxaan leeyahay markaad xafiiskooda iyo xarumahooda gelaysaan waaran soo dalbada sida aad waaranka u weydiisataan markaad guryaha kaleba gelaysaan.”

Sidoo kale, Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu tilmaamay in aanay jirin cid xeerka ciqaabta guud ka baxsan kartaa, isagoo xusay inaan dumarka uurka leh xabsi loo diri Karin ilaa ay ka umulaan, isla markaana ilmaha yar nuujiyaan.

“Waxaan leeyahay xeerka ciqaabta guud dambiyada ku qaran qof waliba wuu u siman yahay oo waa lagu qaadi karaa oo wuu qabanayaa. Xeerka ciqaabta guud madaxweynuhu kama baxsanayo, gabadh uur lehna kama baxsanayso, cid ka baxsan kartaana ma jirto, marka laga reebo inta sharcigu asteeyey oo ah qofka maskaxda ka jirran iyo carruurta. Haweenayda uurka leh way dhici kartaa in la yidhaa intay umulayso ciqaabta dib ugu yara dhiga, illeyn qof kale ayaa ku dhex jira oo aan dambi geline, waana ceeb haddaad gabadh uur leh xukunto oo aad xabsiga geyso, waana in xuquuqda ilmaha yar ee cashoolasha hooyadii ku jira la ilaaliyo. Markay dhasho ee ay ilmaha yar nuujiso hala xukumo, inta ka horreysana iyadoo xukuman waa inay dibadda joogto oo dammiin adag haysato.”

“Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo booliskaba waxaan leeyahay, marka ciidanka boolisku nala shaqaynayaan ee ay garsoorka la shaqaynayaan ee aannu leenahay dhulkaasaannu xayirnay ee noo ilaaliya amma qofkaas baannu doonaynaaye noo soo qabta cid Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka tirsan oo ka horjoogsan kartaa ma jirto, cid na kala dhexgeli kartaana ma jirto.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu caddeeyey inay jiraan kiisas badan oo la xukumay oo aan la dhaqangelin fulintooda, isagoo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Intaas oo kiis oo fulin ah baa maanta taagan oo cid fulisa la la’yahay, caddaaladdeenuna dhammaystirmi mayso haddaan wixii la xumay la fulin ciqaab iyo maddani midka ay doonto ha noqotee. Boolisku haddii aannu ciddaas noo qabta nidhaahdo in nalaga dhexgalo oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu naga dhex-gasho ma aha. Way tahay in nabadgelyada iyo wixii dareen ah ee jira laga wada shaqeeyo, laakiin in kiisas la xukumay la yidhaa ha yaallaan wax soconaya maaha, Hargeysa iyo Burco ayaanna ugu badan meelaha la fulin la’yahay kiisaska la xukumo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Kulankan oo dib loogu eegayo hannaanka wada-shaqayneed ee xeer-ilaalinta, ciidanka asluubta iyo maxkamadaha dalka ka furmay shalay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa waxa kaloo ka hadlay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha ee Qaranka, ahna ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud Mr.  Aadan Axmed Muuse, waxaannu si qoto dheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee xafiiskiisu soo maray iyo duruufaha haatan ku gedaaman, waxaannu xusay in shirkan lagu lafaguri doon sidii loo toosin lahaa hannaanka wad-shaqayneed  ee xafiiska xeer-ilaalintu la leeyahay hay’addaha caddaaladda dalka.

Shebekada Wararka ee Araweelonews.com ayaa badhtamihii sanadkan marar badan warbixino la xidhiidha Haween ku Ummulay xabsiyada daabacday, kuwaas oo xabsiga laga soo daayay kadib markii warbixinahaa lagu  daabacay shebekada. halkan ka eeg dhacdooyinka ay xabsiga kala kulmeen mudadii ay xidhnaayeen, iyadoo markii lasoo daayay ay xaaladooda ka waraystay shebekada araweelonews.com.

http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2755:-luggaha-aan-ka-kici-kari-laahay-waxa-sabab-u-ah-duruufihii-adkaa-ee-xabsiga-nagu-helay-iyo-dumarka-askarta-ah-oo-suun-faraha-lugaha-nagala-dhici-jiray-hooyo-aamina-cali-guuleed-oo-60-jir-ah&catid=1:article&Itemid=7

http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2740:xaalladda-xabsiga-gebilay-oo-laga-dayriyay-duruufaha-haweenka-ku-jira-nollosha-ay-ku-noolyihiin-iyo-dhaqamada-yaabaka-leh-ee-haweenka-maamula&catid=1:article&Itemid=7

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *