Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan marti qaad ah u fidiyay Caawa Gudoomiyayaasha Afar urur siyaasadeed oo ka mid ahaa kuwii ka qayb galay Doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2012, balse aan

 

usoo gudbin xisbiyo qaran.
Gudoomiyayaasha labada Urur siyaasadeed DALSAN, Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Rays  Dr. Xasan Gaafaadhi ayaa ajiibay marti qaadka Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay, balse waxa ku gacan saydhay casuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaaysha labada Urur Siyaasadeed ee UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac oo aan kulanka casuumada Madaxweynuhu ku marti qaaday ka xaadirin, kuwaas oo ka mid ahaa Afarta Urur siyaasadeed ee tahli waayay inay u gudbaan xisbiyo Qaran.

Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkII RAYS Xasan Gaafaadhi oo kulakaa ka dib  ka hadlay waxyaabaha ay Madaxweyne Siilaanyo ka wada hadleen wuxuu yidhi,  “Annagoo ixtiraamayna cashada uu madaxweynuhu noogu yeedhay aanu ka soo qeyb galay. Waxyaabaha laga wada hadlayayna ay ahayd doorasho ayaa dalka ka dhacday, cidina way soo baxday, cidina kumay guulaysan kaalmihii lagu soo baxayay. Afar urur baanu ahayn, qaarkayo caawa halkan ayay joogaan, qaarna way maqan yihiin.” ayuu yidhi Gaafaadhi.

Sidoo kale Guddoomiyihii RAYS, waxa uu ka hadlay natiijada doorashadaa iyo Ururada soo baxay, isagoo yidhi,  “Wixii soo baxay way soo baxeen, wixii aan soo bixina waxay u baahan tahay in iyaga laftooda la tuso inay ka mid yihiin ummaddii iyo mujtamacii balaadhnaa. Wax kastaaba ha jiraane’,tabashooyin badani way jirayaan. Mar haddii doorasho dhacday oo cid loogu dhawaaqay oo maxkamaddi go’aan gaadhay horena waan u sheegnay in wixii ay maxkamadaasi ay go’aan gaadho inaanu qaadan doono, qanaacaddu waa meesheeda sidii baanan ku qaadanay oo aanu ku soo ajiibnay casuumadda uu madaxweynuhu noo sameeyay.”

“Annaguna waxaanu soo jeedinay in la isla doono shacbigii reer Somaliland. Mar walbana ay dantu ku jirto nabad-gelyadda iyo midnimadda, waxaanu soo jeedinay in wixii doorashadaasi ay xangaruufooyin ka tagtay in la kabo oo mid walba tabashadiisa lala eego ayaanu madaxweynaha u soo jeedinay. Ma lihin waanu ku qanacsan nahay laakiin waanu qaadanay,”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Guddoomiyihii  DALSAN  Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan oo isaguna ka hadlay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha wuxuu yidhi,  “Aad iyo aad ayaan madaxweynaha ugu mahad naqayaa, waxaan ugu mahad naqayaa xalay ayuu casuumay sadexdii urur ee lagu dhawaaqay inay ku guulaysteen doorashadii. Markaa annagana inuu gacantii labaad noo fidiyo afartayadii urur ee lagu dhawaaqay inaanu hadhnay farxad weyn ayay ii tahay oo waxay muujinaysaa sinaansho, xaqdhawris iyo qiimayn bay intaba tahay. Madaxweynahana aad baanu ugu mahad naqnay mar labaadna waanu uga mahad naqaynaa.”

“Siday doontaba ha u dhacdo oo qofku ha yidhaahdo cidaasi waa la soo saaray ama cidaa waa la reebay, waxa weeye waxani waa xukun Illaahay cid aanu soo saarina ma soo baxdo. Haddii aanu oggaan lahayn in sadexdaas urur lagu dhawaaqi doono doorashooyinkii kama aanu qeyb galeen,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Guddoomiyaha DALSAN waxa uu sheegay in xiligii qiimaynta gudida diiwaan gelinta 15-kii urur lagu reebay rag qaarkood siyaasadda kaga waayo aragsanaa isaga, waxaanu tilmaamay in sidii kuwaasi ugu qanceen go’aankii ay iyaguna ugu qancayaan natiijadii doorashadda, isagoo yidhi, “Waanu soo gaadhay inaanu ka mid noqono ururaddii ku tartamayay siyaasadda, markaa annaguna siday doonto ha u dhacdee nasiibkayaga ayaa noqday inaanu hadno. Markaa waxay ahayd inaanu shuruucdii iyo wixii xeerarkii aanu saxeexnay dhawrno iyo nabad-gelyadda.
Annaga oo aan xisbi gaadhin wax aanu ku diidno inaanu marti qaadkan madaxweynaha nimaadno meesha ma qabato, waanu soo dhawaynay. Waxaan leeyahay nin kasta oo siyaasiya dalkeenu wuxuu u baahan yahay in la midoobo oo gacmaha la is qabsado oo nabad-gelyadda la ilaaliyo oo hadba nidaamka inoo talinaya carabkaaga iyo hadalkaaga wixii toosin ah aad ugu tilmaanto,”ayuu yidhi Guddoomiyihii DALSAN.

Lama ogga sababta masuuliyiinta labadaa Urur uga baaqsadeen marti qaadka Madaxweynaha, isla markaana ma jiro war kasoo baxay hogaamiyayaasha labadaa Urur oo sheegaya sababta ay uga maqnaadeen casuumada Madaxweynuhu ku marti qaaday Caawa qasriga Madaxtooyada, balse waxa la rumaysan yahay inay ku maqan yihiin tabashooyin iyo cadho ka dhalatay tartankii doorashada, iyadoo Gudoomiyaha UMADDA Dr. Gaboose dhawaaqii u danbeeyay ee uu kaga hadlay natiijadii doorashada golayaasha deegaanka ku tiraabay weedho dhaxal gal noqday, isagoo yidhi,”haddii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisu isu diyaarinayaan damaashaad iyo guul anagu waxaanu dhinaca xabaalaha malka dur-duro  naxash ugu wadnaa maydka dumuqraadiyada Somaliland” ayuu yidhi, balse  wuxuu sheegay in waxkasta oo dhacay uu ku liqayo midnimada, wadajirka iyo nabadgelyada Somaliland oo aanu ka ficil qaadanayn qaabkii loo maamulay doorashadii golayaasha deegaanka dalka.
Laakiin Gudoomiyaha Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu hore u sheegay in aanay aqbalayn natiijada doorashadaa oo aanay ku qanacsanayn, waxayna hogaanka Xaqsoor marar badan ku cel celiyeen in aanay sinaba u aqbalayn natiijada doorashadaa oo sheegeen inay ahayd mid musuq-maasuq iyo boob ay ku sameeyeen xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *