Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horreysay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbigiisa marka la gaadho doorashada golaayasha degaanka oo la filayo inay bisha April ee sannadka 2012 dalka
ka qabsoonto.
Muuse Biixi Cabdi oo fagaaraha Khayriyada kala hadlay xalay dadweynaha reer Berbera, waxa uu sheegay inuu bulshada magaaladaad ka rajaynayo inay codka ugu badan siin doonaan KULMIYE marka doorashada la gaadho.
“Qolada xisbiyada iyo dadka danyarta ah labaduba way codsi badan yihiin, shantii sannaba mar baannu idinku soo noqonaynaa idinkoo tii hore xanafteedii qaba oo dhammaantiin i odhan doontaan waar Muusoow tii horeba rafaadkeedii kamaannaan bixin oo waydinkii iska tagaye, ma maantaad haddana cod naga doonaysaa? KULMIYE iyo xisbi kastoo waliba wuu idinku soo noqonayaa ee reer Berberow moqorafaddii iigu rida codkii baannu haddana idinka doonaynaaye, waxa nasiib-wanaag ah inaannu ugu soo horreynay Berbera oo ah waa ku liibaana oo aannu codkii ugu soo horreynay Berbera, sidaa darteed waxaan filayaa in inta ugu badan aad noogu ridi doontaan sannadkan haddii Illaahay yidhaahdo. xisbiyada walaalahayo ee aannu isku midka nahay ee soo socda ee qofku is odhan doono markay soo horistaagaan kumaan raaceen ma hebel amma hebel, waxaannu dheernahay haddaannu KULMIYE nahay waannu idiinka soo horreynay oo gacantaannu soo fidinnay markii ugu horreysay, markaa sannadkan codka annaga ayaa leh,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in su’aasha ugu adag ee dadweynuhu waydiiyaan tahay shaqo abuurkii ay dadka u ballanqaadeen xilligii lagu jiray ololaha doorashadda madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010, isagoo dadka ku qanciyey in aanbu isaguba welin shaqo helin.
“Maanta dadkii soo codeeyey ee KULMIYE su’aasha ugu adag ee ay na waydiiyaan waxa weeye shaqadii aad noo ballan-qaaddeen qoladayadii KULMIYE ayaa dibadda joogtee shaqo noo doona. Jawaabta aan reer KULMYE u hayaa waxa weeye, waxaynu doonaynay inaynu talada saxno, waxaynu doonaynay kuwa shaqeeya inaynu wax u kordhinno, kuwa kalena shaqo u abuurno. Tiibaynu waddadeedii haynaa ee haka niyad-jabin Aniguba shaqo maan helin. Maanta waxaannu u soconnaa sannad iyo badh ka bacdi markii aad xilka noo dhiibteen, inaannu ku soo noqonno dadkii noo codeeyey oo aannu muraayadda iska eegno oo aad noo sheegtaan oo aannu idinka dhagaysanno waar waddadii aannu idiin ballanqaadnay; lama dhammayn karo oo way dheertay ee waddadii ma haynaa oo ma bilownay, halkeennu wax ka toosinnaa oo halkay wax u dhiman yihiin?”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda waxa uu yidhi; “Qodobka labaad ee ujeeddada socdaalkayagu waxa weeye waxa la go’aamiyey in doorashadii dawladaha hoose ay noqoto sannadka soo socda bilaha ugu horreeya, waxa la meel-mariyey sharci Golaha Wakiillada ka soo baxay oo Guurtida maraya oo lagu go’aamiyey in doorashada la galo oo laga hor-qaado xannibaadda ah in diiwaangelin aan lacagteedaba la hayn wakhtigeedana la ogeyni innaga ay doorashada innaga xannibto. Sidaa darteed, waxa innagu soo dhaw doorashadii dawladaha hoose, u diyaargarawgeeda iyo ka wada-tashigeeda ayey leedahay. Dawladaha hoose waa qaybta ugu weyn ee ugu muhiimsan ee dalka maamulkiisa haya, iyaga oo ku mahadsan oo meel hoose ka soo bilaabay ragga dawladaha hoose joogaa oo dalkooda wax u soo qabtay, haddana waxay joogaan maanta toban sanno ku dhawaad. Dimuquraadiyadda iyo is-aamminaadu waxay tahay in gole walba lagu doorto xilligiisii. Markaa waxa taagan immika xilligii la dooran lahaa dawladaha hoose, xisbiga KULMIYE-na wuxuu ka mid yahay axsaabta qaranka iyo ururrada-siyaasadeed ee cusub ee u tartami doona dawladaha hoose. Markaa xisbigu wuxuu u soo noqday inuu isaga diyaariyo gobollada sidii uu doorashadaa dawladaha hoose qayb libaax uga qaadan lahaa.”
Muuse Biixi waxa uu daboolka ka qaaday in ujeeddada kormeerkoodu la xidhiidho sidii uu dabagal ugu samayn lahaa in badhasaabada iyo masuuliyiinta gobollada dalku ku shaqaynayaan barnaamijkii lagu doortay xisbiga KULMIYE, isagoo xusay in natiijada kormeerkiisa uga soo baxdana uu hordhigi doono Madaxweyne Siilaanyo.
“Ta saddexaad waa qodob aan hore Somaliland uga jirin, Somaliland intii aynu dimuquraaddiyadda ahayn iyo Soomaaliya dawladihii ka jirayba xisbi iyo xukuumad isku mid ah oo haddana guddoomiyihii iyo Madaxweynihii laba kala yihiin. Waxaan u arkaa inay tahay tallaabo cusub oo marka hore waxtar ah, mar labaadka dimuquraaddiyad ah, mar saddexaadka talada in la wada hayo ah. Sidaa daraadeed, haddaannu nahay KULMIYE ujeeddadayada waxa ka mid ah inaannu kaantaroolno dawladayadii. Shicibku wuxuu doortay KULMIYE, xisbiyadii kalena KULMIYE waxay siiyeen codkoodii oo na hoggaami bay yidhaahdeen, KULMIYE-na wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, Madaxweynihii iyo Ku-xigeenkiina waxay soo xuleen wasiirro, badhasaabbo, maareeyayaal, taliyayaal ciidan iyo safiirro, dabadeed waxaannu hubinaynaa Gobolada Badhasaabyadii la doortay iyo raggii madaxweynuhu hawsha u dhiibay siyaasaddii xisbiga iyo sidii la ballan-qaaday ma u socdaan, taasina hore umay jiri-jirin oo waa arrin dalka ku cusub.”
“Taas oo aan kula noqonayo Madaxweynihii, anna aan sii wakiishay iyo wasaaraddiisa. Saddexdaa ujeeddo ayuu socdaalkayagu ahaa. Waxaannu kala kulannay halkan wax wanaagsan bay ahayd, dad wanaagsan oo na soo dhaweeyey iyo maamul isku duuban oo hawshoodii haya. Wixii dhaliil aannu isku aragno waa wax aannu hoos isugu sheegi karno. Anigoon faaninayn maamulka KULMIYE ee halkan joogaa oo haddaan qaladaad ku arko halkan ka sheegi lahaa anoon lahayn wax walba way ku hagaagsan yihiin laba qodob ayaa marag madoon ah; kow maamulka Berbera joogaa waa maamul isku duuban, dadkuna waxay wax qaban karaan markay midaysan yihiin.
Ka labaad haddaan la iskala masuugeyn, iyaga oo barnaamijkii xisbiga ku dhaqmaya, iyagoo dardaarankii Madaxweynaha fulinaya sannadkaa iyo badhkaas waxaynu ka markhaati nahay inta ka hirgashay Berbera inaanay sannado badan oo ka horreey ka hirgelin.
Qodob reer Berbera ku dheeraadeen waa aafada xagaaga (kulaylka) waynu ka wada hawlgalaynaa, sidii laydh-tiriig qaboojiyayaasha loo isticmaalo loogu heli lahaa reer Berbera, waannu ka dagaal-galaynaa sidii loo heli lahayd waxna idinka hagran mayno,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan Yuusuf oo ka mid ah weftiga , ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ahmiyad gaar ah siiyay gobolka Saaxil, islamarkaana buuggii qorshaha xisbiga uu qayb libaax leh kaga xardhanyahay horumarinta Gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE Canab Cumar Illeeye oo ka mid ahayd xubnaha weftiga ee madasha caawa ka hadlay, ayaa haweenka Gobolka Saaxil u soo jeedisay inay isu diyaariyaan ka qaybgalka tallada dalka, oo ay isu soo taagaan goleyaasha deegaanka iyo Baarlammaankaba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com