Hargeysa (HWN) Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf (Xamari),  ayaa ka dhawaajiyay in dib loo tirinayo Natiijadda Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Degamada Hargeysa. kadib markii muran iyo

 

cabashooyin ka dhasheen natiijadii lagu dhawaaqay habeenkii Jimacaha ee 17 Nov 2012.
Eng Ciise Xamari waxa uu sheegay sababta keentay arrintaasi ay tahay tabashada Musharixiintii tartamaysay ka keeneen Codadkoodii  natiijada Hargeysa iyo sidii loo bogsiin lahaa Rabshadaha Dhiigu ku daatay ee ay keentay arrintaasi. sidaa awgeed ay hakiyeen natiijada hore loogu dhawaaqay.

Gudoomiye Xamari waxa uu sidaa ka sheegay mar uu la hadlayay saxaafada maanta, wuxuuna  mar la weydiiyay  bal in ay tirinta lagu celinayo ee  codbixintu noqonayso mid sanduuq-sanduuq loo tirinayo iyo in kale,  waxa uu sheegay in hadba sida lagu heshiiyo laga yeelayo.
“Waanu ku kalsoonahay Natiijadii.  laakiin si loo hubiyo loona qanciyo Musharixiinta waxaanu go’aansanay inaanu dib ugu noqono, sidaana waxaanu isla qaadanay Xisbiyada iyo Ururada oo dhan” ayuu yidhi Ciise Xamari oo la hadlay warbaahinta maanta.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *