Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay natiijada Doorashadii dalka ka dhacaday ee ay ka dhasheen rabshaduhu natiijadii Degamada Hargeysa.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi,  isagoo arrimahaa ka hadlaya  maanta wuxuu yidhi,”Waxaan marka hore aad uga  xunahay dhibaatadii ka dhacday meelo ka mida caasimada Hargeysa, waxaan tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay ehelkoodii iyo qaraabadoodii Iilaahayna waxaan ka rajaynaynaa in intii ku dhawaacantayna caafimad deg deg ah siiyo, waxaan rajaynaynaa in iIlaahay dhibaatoyinkaa iyo kuwa kalaba inaga qaboojiyo, waxaanu soo jeedinaynaa in wixii khilaafa ee yimaada lagu xaliyo hab nabad galyo ah iyo gar naqsi, waxaanu  aaminsanahay inaan meel lagu gaadhayn cunfiga iyo cadhada.” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye wuxuu hanbalyo u dirayo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee taageeray musharaxiinta xisbigooda, isagoo yidhi, ” Waxaan  hanbalyo mahad naq u dirayaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba meel ay joogaanba sidii nabad galyada iyo sharafta lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinkii golaha deegaanka ee qabsoomay dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay,waxaan u mahad naqaynaa guddida doorashooyinka qaranka iyo hawl wadeenadiisa,waxaan u mahad naqayna xisbiyadii,ururada iyo musharaxiintii sida sharafta leh u tartamay, waxaanu bogaadinaynaa xukuumada Somaliland gaar ahaan madaxweynaha oo ka hawl galay sidii ay doorashadani u qabsoomi lahayd  iyo sugitaanka amniga, waxaanu u mahad celinaynaa ururada caalamiga ah, kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee la saaxiibka ah Somaliland ee gacanta ka gaystay geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinkii hada qabsoomay” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye  ayaa sheegay in natiijada uu xisbiga kulmiye ka helay doorashadu ay rajo fiican  u tahay dhamaystirka balan qaadyadii xisbiga Kulmiye oo Shacabka Somaliland iyaga oo aad u mahadsan  mar kale siiyey kalsoonidiisa xisbiga Kulmiye, taas oo sida uu sheegay  ishaaro iyo fursad wanaagsan u ah  dhamaystirka qorshayaashii xisbigu hore ugu degsanaa ee ay xukuumadani fulinaysay, isla markaana in xisbiga kulmiye hogaamiyo dhamaan gobolada dalka oo dhan ay muujinay sida shacabku kalsoonidiisa u siiyay mar kale iyo  wada lahaanshaha xisbinimada, talo wadaaga iyo  is aaminaada xisbiga Kulmiye iyo shacabka Somaliland.” ayuu yidhi.
Sidoo kale Muj. Muuse Biixi wuxuu sheegay inay natiijadaasu ka turjumayso in xisbiga Kulmiye si fir fircoon uga hawl galay  sii xoojinta barnaamijkii xisbiga ee hore loo waday mudadii ay xukuumadani jirtay iyo sidoo kale adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo ictiraaf raadinta.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *