saleebaan1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku tilmaamay sharci-daro golaha

 

wadatashiga ee ay dhowaan ku dhawaaqeen koox siyaasiin  ah, wuxuuna ku baaqay in aan la dhantaalin wada jirka iyo midnimadda Somaliland.

 

Guddoomiye Saleebaan oo maanta dalka kusoo laabtay kadib safar uu ku maqnaa  dalka Britain mudo, wuxuuna hadal kooban oo uu warbaahinta ku siiyay Madaarka Berbera, wuxuuna sharciyadda golaha la la baxay wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaaqeen xubno ka mid ah siyaasiyiin waaweyn oo iskugu jira kuwii ururadooda siyaasadeed hadheen iyo kuwo mansabo ay xukuumadda ka hayeen laga qaaday ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

 

“Guurtida oo qeylinaysa ayaan maqlayay oo ka hadlaysa niman Gole samaystay, waxay ila tahay sharciyan in Goleyaasha qaranku sadex yihiin, Gole afraad ma jiro, wixii naqdi ah waa la ogol yahay iyo wixii dhaliil ah-ba, laakiin wixii taabanaya sharciyadda dalka waxay ila tahay in dhammaanteen-ba aynu iska ilaalino. Muwaafaqadda uun baa dalka meel lagu gaadhsiiyaa.” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu sheegay inuu dalku leeyahay cadow faro badan, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeedsto oo aan la wiiqin wadajirka iyo midnimada.

 

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu safarkiisa ku macneeyay inuu ahaa mid Caafimaad, isla markaana xaaladiisu ay wanaagsantahay.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *