Hsoo dhowaynta wasiirka Dr. Biixiargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa

 

ugu baaqay bulshada Somaliland  in loo midoobo qadiyada madaxbannaanida iyo horumarka dalka, isla markaana la noqdo  mucaarad iyo muxaafid ummad isku duuban.

 

Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo markii ugu horaysay dalka yimi mudo dheer, waxa uu sidaa ka sheegay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa. Kadib markii uu maanta  ka soo degay halkaa, iyadoo si weyn loo soo dhoweyeeyay, wuxuuna hadal kooban oo uu saxaafadda u jeediyey ku sheegay in ay Somaliland tahay qaran buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, balse loo baahanyahay  in lasii wado dedaalka ay maanta dunida caanka kaga noqotay ee horumarka iyo nabada.

Sidoo kale wuxuu ka fal celiyay dareenkiisa xilka loo magcaabay, isagoo ka hadlaya isku duubnida iyo midnimada Ummadda, wuxuu yidhi,  “Muxaafid iyo mucaaridba marka ay noqoto qadiyada Jamhuuriyada Somaliland, ictiraafkeeda, horumarkeeda, nabadeeda, dhaqaalaheeda in aynu u sinaano oo meel uga soo wada jeedno oo aynu ahaano ummad isku duuban oo caalamku arko in aynu nahay ummad jirta, runtana iskama indho tiri karaan. Dhul baynu leenahay, shacbi baynu leenahay, caalamka ayeynu la macaamilnaa, wixi dawladi lahaan jirtay oo dhana waynu leenahay. Dawlado fara badan oo Afrika ku yaal ayeynu maanta ka magac weynahay, kuwaasoo maalin kasta inqilaaf ka dhaco ama dhibaato kale ka dhacdo,” ayuu yidhi Biixi Yoonis.

 

Wasiirka cusub ee Arrimaha Debeda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Biixi, wuxuu isagoo ku qiimaynaya xaalada Somaliland  dalalkii caalamka ee uu hore uga soo shaqeeyey yidhi,  “Annigu waxaan ka shaqaynayey hawlaha nabad ilaalinta, waxaan ka imin gobolka Daarfuur ee dalka Suundaan, ninka labaad ee ugu weyn (darajada sareeya) ayaan ahaa. Waxaan ahaan ninka dhisay Darfuur oo dhan. Waxaan ku faraxsanahay anigoo Darfuur ka shaqeeyey oo Jerusalem (Qudus) oo Israa’iil ah, waxaan ahaa nin ka soo shaqeeyay Qassa oo Falastiin ah, dhulkaas aan ka soo shaqeeyey waa dhul wada colaad ah, Laakiin Somaliland way degan tahay uma baahna nabad ilaalin,waxaynu nahay maanta ummad degan oo dedaadalaysa oo wada shaqaysanaysa. waxaana ku dedaalayaa in aan ka soo baxo xilkaas culus ee la ii igmaday, idinkuna iigu soo duceeya.” Ayuu yidhi Biixi Wasiirka Cusub oo jawi farxadeed ku jira kadib soo dhoweyn oo lagu qaabilay, taas oo gudi loo saaray sidii dalka loogu soo dhowayn lahaa ka shaqaynayeen tan iyo markii la magcabay dhawr todobaad ka hor.

Waxaana Madaarka kusoo dhoweeyay wasiirka cusub Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xubno ka socday Golayaasha Baarlamaanka, hogaamiyayaasha Axsaabta qaranka, Aqoonyahano iyo boqolaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

E-mail. jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *