Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sharci darro ku tilmaamay shir-weynaha qaran ee xisbiyada mucaaridku UCID iyo WADDANI ay sheegeen gogoshiisa dhigayaan si loo faaqido

xaaladda guud ee dalka, kaas oo hada ajandihiisa qarsooon si sir ah loo helay.

“Shir-weyne qaran oo madaxweynahii dalku ka maqan yahay dee shir-weyne qaran noqon maayo, madaxda asxaabtana waanu iska arki,” Gudoomiyaha golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamed Aadan, oo maanta u warramayay qaar ka mid ah saxaafadda.

Shirweynahan qaran waxa markii hore ku dhawaaqay madasha wada tashiga siyaasiyiinta la baxay, hase yeeshee dhawaan ayay sheegeen inaanay awood sharci u lahayn qaban-qaabada arrintan, waxaanay u sii waarideen axsaabta mucaaridka ah ee dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa si adag u sheegay in aanay labada xisbi mucaarad xaq u lahayn inay qabtaan shirweyne qaran, isla markaana wuxuu si cad u sheegay in cidda keliya ee shirweyne qaran ku baaqi karta, ama iclaaim kartaa uu yahay Madaxweynaha Somaliland, taas oo uu sheegay in Dastuurka Somaliland awood u siinayo marka ay yimaadaan baahiyo lagama maarmaan ah.

info@araweelonews.com
+
jaamac132@gmail.com

//

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *