Hargeysa(ANN)-Gudida diiwaangelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka iyo qorshaha lagu sargoynayo natiijada doorashada, sida uu kusoo baxayo urur xisbi ama musharax u tartamaya
golaha deegaanku.
sidaana waxa uu gudidu ka sheegay kadib markii ay maanta shir ku saabsan doorashada iyo qaabka ururada axsaabta iyo musharixiintu kusoo baxayaan kula yeeshay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa qaar ka mid ah salaadiinta gobolka Hargeysa, kuwaas oo ay ka wada hadleen nabad-gelyadda dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa natiijada doorashada.
Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta iyo ansixinta axsaabta C/risaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle) oo kulankaa ka dib saxaafadda uga waramay waxyaabaha ay ka wada hadleen salaadiinta, waxa uu yidhi, “Salaadiintii Hargeysa qeyb ka mid ah ayaanu u sharaxaynay qaabka loo kala saarayo ururadda siyaasadda ee tartamaysa si hadhow madal iyo markhaati ay u yeelato arrintu. Markaa waxaanu kala hadlaynay salaadiinta sidii ay dadweynaha Nabadgelyadda ugu sii wacyi gelin lahaayeen.”
Gudoomiyaha Gudida diiwaan gelintu waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qodobo uu sheegay in hadhow muran ka dhalan karo haddii aanay murashaxiinta iyo dadweynuhu sii fahmin, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Horta waxa tartamaya ee kala hadhayaa waa Ururadda iyo xisbiyadda, ashkhaas tartamaysa oo kala adkaanaysaa ma jirto. Nidaamka lagu kala helayaa waana kii saamigii boqolayda ahaa. Haddii aan tafaasiil ka bixiyo masalan Hargeysa ay ka codayso 200 oo kun oo qof oo waxa loo taramayaana yahay 25 Kursi.
Markaa waxa la isu qeybinayaa 200 ee kun ee qof ee ka codaysay Hargeysa iyo 25-kii kursi ee loo taramayay. Markaa masalan qiimaha kursigu wuxuu noqonayaa 8 kun oo cod. 8000 in qof gaadho ma aha daruuri. Haddii qof gaadho xisbigii/ururkii wuu helayba.”
“Tusaale ahaan Ururkii/xisbigii hela 40 kun oo cod, waxa tirada codadka uu helay loo qeybinayaa qiimihii kursiga ee 8000 ahaa. Markaa ururkaasi ama xisbigaasi wuxuu helayaa 5 kursi,”ayuu yidhi Gudoomiyaha diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta qaranka. Mr. Ciyaalle.
Guddoomiyaha Gudidu, waxa uu ka digay faham la’aan ka dhalata natiijada doorashada iyo qaabka lagu sargoynayo ee hanaanka la raacayo, isagoo arrintaa sii sharaxayana waxa uu yidhi, “Waxa dhici doonta oo hadhow muran keeni doonta haddii aan la fahmin, tusaale ahaan wax dhici doonta haddii urur helo kursi qudha oo ninka ugu sareeyaana qiimihiisu yahay 700, oo cod 25-kii murashax ee ururkaasi, ama xisbigaasi ku shuraakoobay oo ay sidaa ku buuxiyaan 8000. Ururkaasi markaa waxa uu siin doonaa kursigaasi kii ugu sareeyay.”
“Markaa ma jiro qof xisbi, ama urur ka tartamay oo dhacay iyo mid faa’isay, waxa tartamaya waa ururo iyo asxaab oo codka saamiga ah ku kala helaya kuraasidda. Mana jirto sida dadku qabo in 25 qof ee Hargeysa ugu codka badani inay soo baxayaan,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudida diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansxinta axsaabta qaranka.
Dhinaca kale weli waxa muuqata inaan xataa gudidu fahmin qaabka ay u kala saarayaan wax, kadib marka la gaadho natiijada, iyadoo gududu marar kala duwan siyaabo kala duwan uga hadashay qaabka loo kala saarayo ururada ku tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland iyo musharixiintooda.
Dhawaaqan gudoomiyaha gudidaa C/risaaq Ciyaalle ayaa ka duwan mid uu hore u sheegay dhowaan mar uu sharaxaad ka bixinayay qaacidada loo raacayo kala saarista Ururada iyo axsaabta qaranka iyo sidoo kale musharixiinta ku tartamaya, waxayna mararka qaar gudidu uu gudoomiyaha u yahay C/risaaq Ciyaalle u muuqanayaan kuwo faraha kula jira hawshii komishanka, taas oo muujisay debecsanaan iyo khibrad la’aan ka muuqata gudidaa.
si kastaba ha ahaatee dhawaaqyada kala duwan ee kasoo baxay gudidu waxay muujinayaan dareeno shaki ku abuuri kara natiijada haddii aan ka hor laysla meel dhigin qaacidada iyo habka loo raacayo natiijada doorashada.