See full size imageHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa maanta iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaa

Jaamac Shabeel waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku socod siiyay Xoghayaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isagoo sheegay in la faafiyo xiliga la qabanayo shirka Golaha dhexe. sidoo kale waxa uu ogaysiin siiyay Hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Qoraalka Guddoomiyaha Golaha dhexena ayaa u dhignayd sian:-

“Markaan arkay: Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer N0: 14/2011 qodonkiisa 25aad faqradiaisa 1aad oo u dhigan sidan:

“ Xisbiyada qaran ee doorasahada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maamul-wanaag iyo Dimuquraadiyadda dhexdooda ah, waana in awoodda loo simanyahay talada xisbigana waa in markasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaada”

Iyo isla qodobkiisa 25 aad faqradiisa 3aad oo u dhigan sidan:

“ shirka Xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba hal mar waxaana la baahinayaa 30 casho ka hor”

Markaan arkay: Qodobka 30aad faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga kulmiye oo u qoran sidan:
“shirka golaha dhexe ee xisbiga waxa la qabtaa sanadkiiba hal mar”

Markaan arkay: Qodobka 9aad faqradiisa 1aad xeer hoosaadka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo u qornaa sidan:

“ugu yaraan bil ka hor taariikhda uu qorshaysan yahay shirka caadiga ah ee golaha dhexe, ayuu gudoomiyaha golaha dhexe amrayaa xoghayaha golaha dhexe inuu war-baahinta ku faafiyo maalinta iyo goobta lagu qabanayo shirka caadiga ah ee golaha dhexe”

Markaan yaqiinsaday: Qodobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga Xarafkiisa (K) oo sheegaya in haddii shirweynaha xisbiga dib u dhac ku yimaado ay hay’adaha kala duwan ee Xisbigu xilka haynayaan inta shirweyne ka qabsoomayo, isagoo u qoran sidan:

“mudada shirweynaha xisbiga dib loo dhigay waxa xilka xisbiga sii haynaya Guddoomiyaha xisbiga, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee xilka haya”

Markaan yaqiinsaday: in shirkii golaha dhexe ee caadiga ahaa uu ka soo wareegay sanad kaas oo qasoomay 14-14 April 2012.

Hadaba Mudane Xoghaye aniga oo ka duulaya qodoabadaa aan kor ku soo sheegay khasabna inagu tahay inaynu fulino Xeerarka qaranka iyo xisbigaba u yaala taasoo la inagula xisaabtmayo haddii aynu sidooda u gudan weyno, waxaan ku farayaa inaad golaha dhexe ee Xisbiga gaadhsiiso in shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe la qaban doono 11/April/2013 laguana qaban doono magaaladda Hargeysa gaar ahaan Ambasaddor Hotel.

Sidoo kale waxan la socodsiinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan shirkaa oo dhici doona taariikhda kor ku susan, Allaa Mahad Leh.” ayaa lagu yidhi qoraalka gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye.
qoralka lagu iclaamaiyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Siilanyo mudo dib u dhigay shirkaa. sidoo kale qoraalka gudoomiyaha golaha dhexe ayaa kusoo beegmay iyadoo mudooyinkii u danbeeyay uu soo baxayay khilaaf laga sheegayo inuu ka dhashay mudada qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *