Hargeysa(ANN)Gudida diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta ayaa sharaxaad ka bixiyay shax mala awaal ah oo doodo badan ka dhalisay qaabka loo marayo natiijada guusha doorashada.
Shir loogu magac daray faafinta xeerka nidaamka Ururada iyo asxaabta siyaada oo ay gudidu maanta ku qabatay Hargeysa, ayaa lagu sharaxay shaxdaa. kulankaa oo Gudida diiwaan galinta Urura iyo axsaabtu ka qayb geliyeen qaar ka mida hay’addaha wadaniga ah, sharci yaqaano iyo wakiilo ka socda Ururada tartamaya, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Ururada loogu qancin lahaa inay aqbalaan natiijada kasoo baxda doorasha Golayaasha deegaanka, taas oo ay ku tusaaleeyeen shaxda mala Awaalka ah oo ka turjumaysa natiijada doorashadii oo lasoo saaray
.Gudoomiyaha Gudiga diwaan galinta Ururada iyo asxaabta siyaada Cabdirisaaq Ciyaale ayaa sharaxaad ka bixiyey shaxdaa mala awaalka ah ee tusaalaha ay usoo qaateen, isagoo yidhi, “ waxaanu aragnay inuu ka iman karo khilaaf markaa intaan la gaadhin doorashadii oo dhacday Gudiga doorashadu soo saartay natiijadii marka natiijadii la dul istaago inaanu qof walba dhiniciisa u jiidan ayaanu kulanka u qabanay, xeerku waa xeerkii wuu qoranyahay oo anagu waxba kama bedeli karno, waxaanu markaa samaynay xeerka (xeer14) qodobkiisa 26aad oo shxadaa lagu saleeyay”.
Gudoomiyaha Gudidu wuxuu sheegay inay shaxdaa si loo saxo u yeedheen xubno ka mid ah Baarlamaanka sameeyay xeerka doorashada iyo aqoonyahankii dalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Looyaradii baanu u yeedhnay waxaanu u yeedhnay gudi hoosaadka baarlamaanka ee soo sameeyey xeerkan, waxaanu u yeedhnay ururadii,asxaabtii ,aqoonyahankii waxaanu nidhi arinkaasi inaanu muran keenin bal idinkuna sharxa siyaasadii aad u samayseen xeerkasta siyaasad baa lagu sameeyaa oo himilaa laga leeyahay markaa waxa weeye in ujeedo lagu gaadho ayaa xeerka loo sameeyey sida lagu fasiraana waa dareenkii laga lahaa markii xeerka lasamaynayey,
Waxaa cadaatay in siyaasada laga lahaa ay ahayd inay soo baxaan seddex xisbi qaran. markaa xisbiga qaran wuxuu noqonayaa inuu ahaado mid koone ilaa koone ku heh taageerayaal mugleh Ururadii iyo asxaabtii markii laysugu yeedhay nin walba wuxuu u dul istaagay shaxdaa siday ugu badinaysay marka hore xeerku wuxuu dhigayaa inuu xisbigu ka helo Gobol walba gaarkiisa 20%, ntaa markuu ka helo 6-dii Gobol isagu markaa sidaa ayuu ku gudbayaa oo xeerkii baa qoraya.” ayuu yidhi.
Mr. Ciyaale isagoo sharaxaya marka ay gudbi waayaan tiradaa xisbi ama laba ama la waayo mid gaadha, ama mid ka bata tiradaa, wuxuu yidhi,
“Haddii midi gudbo oo laba gudbi waydo, haddii laba gudbaan oo midi hadho, haddii seddexduba gudbi waayaan oo 20%lawaayo maxaa layeelayaa ayuu yahay qodobka aynu dul taaganahay hadii ay seddex xisbi keenaan lixda Gobol helaan 20% shaxla samayn maayo oo shahaadaduunbaa la siinayaa. haddii la waayo waa in la helaa farsamadii saamiga Goboleed ee ugu dhawayd.
Waxa dhici karta inuu Urur helay shan Gobol 25% iyadoo looga baahnaa 20% lakiin Gobolkii hadh sanaa ayuu helay 19.9 xeerku wuu ridayaa taas oo ah lixdii Gobol muu helin, markaa xisbiga ama Ururka shan Gobol hela boqolkiiba shan iyo labaatan ee hal Gobol helay 19.9% oo ka cod badnaa ka lixda Gobolba helay 20% ayuu xeerku reebayaa
Waxaanu arinkaa u faafinaynaa inuu Ururkasta iyo xisbi kastaaba anagoo aan wali waxba soo saarin inuu ogaado inuu hadhay iyo inuu soo baxay oo ay musaasibad sharafeed uun ay noqoto halkaanu shahaadada ku bixinayno, markaa nalama odhan doono waxa na reebay Gudiga gudigaa la amroo waxa amray madaxwayne Gudiga doorashooyinkaa leh oo anagu ma jirto degmo gobol iyo cod aanu soo tirinaynaa oo xisbi/Urur kasta iyo musharax wuxuu dhigtay muraaqib oo Gobolka iyo degmadaba cid baa u joogta” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta qaranka, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay ilaashadaan nabadgelyada.