Hargeysa(ANN)Guddoomyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Shabeel ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye la qabanayo bisha 6 Jun 2011. Sidaa awgeed ay u diyaar garoobaan dhamaan xubnaha golaha dhexe. Garyaqaan
Jaamac Shabeel waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo gaadhsiiyay shebekada wararka ee Araweelonews.
Qoraalka uu soo saaray gudoomiyaha golaha dhexe, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-
“Ujeedo qabasho shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxaan maanta o ay bishu tahay 6 April 2011, ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu markay tahay 6 June 2011.
Sidaa darteed waxaan ka rajaynayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan, siday uga qaygeli lahaayeen shirka, iyada oo shirku waqtigiisii dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.” Ayaa lagu yidhi qoraalka gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.
dhinaca kale dhawaaqa kasoo baxay gudoomiyaha golaha dhexe ee Kumiye ayaa kusoo beegmay iyadoo ay xiligan gudi uu madaxweyne Axmed siilaanyo u saaray kasoo tala bixinta ururada siyaasada ay weli ku laalantahay natiijada xogtii iyo macluumaadkii ay soo ururiyeen, iyadoo dhinaca kalena doorashooyinka golayaasha deegaanka la filayo in la qabto Dec, 2011.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com