ku dhacay maanta ayaa muddo ku dhaw toddoba bilood u xidhnaa. Kadib markii baadhis hantidhawrka qaranku sameeyay lagula xidhiidhiyay falal musuq-maasuq, sidaana xabsiga loogu taxaabay, iyadoo Dacwad uu ku soo Oogay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay shalay Maxkamaddu soo af-jartay, isla markaana Garsoorihii maxkamadda dawladiisu ka socotay sarkaalkaa hore sheegay in lagu helay Eedaha uu Xafiiska Xeer ilaalintu ku soo Oogay.
Qawrax Muuse waa masuulkii labaad ee ay Maxkamadda Gabilay ku xukunto danbi la xidhiidha Musuq-maasuq, iyadoo horena ay xukun ugu riday Cabdi Xabashi oo ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, kaas oo dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha musuq-maasuq lagu hog geeyay sharciga. Kadibna xukun ay ku riday maxakamaddu.
Labadaa Nin ee masuuliyiinta ahaan jiray ayaa ah labadii sarkaal ee u horeeyay masuuliyiinta xiligii maamulkii Daahir Rayaale la soo shaqeeyay ee uu ku dhacay Xukun la xidhiidha Musuq-maasuq, waxaana eedahan oo kale u xidhan saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada Hargeysa iyo Xoghayihii Dawladda hoose ee Burco kuwaas iyo saraakiil kale oo ku jira Xabsiyada dalka, kuwaas Dacwadoodu ka socdaan Maxkamadaha dalka.
Talaabadan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka taray ku tagrifalka hantida ummmada ee masuuliyiinta iyo dadka xilka loo dhiibo ee dhex dabaasha fadeexadaha musuq-maasuq, taas oo Madaxweyne Siilaanyo balanqaaday inuu wax ka qabanayo xiligii kaanbaynka, balse durbadiiba waxa ka hor yimi baadhitaano waqtigaa lagu bilaabay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo maamulkii kooxdii Daahir Rayaale ah dhawaaqyo caadifadeed oo beelaysan, kuwaas oo loogu turjumay aar goosi siyaasadeed iyo in cid gaara ay beegsanayaan hantidhawrka guud ee Madaxweyne Siilaanyo magcaabay markii uu xilka la wareegay dhawr bilood ka hor, taas oo keentay in la hakiyo baadhitaano masuuliyiin sare oo ka tirsanaa kooxdii xukuumaddii Daahir Rayaale oo fadeexado musuq-maasuq iyo ku tagrifal hantida ummada lala xidhiidhinayay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1