Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah

 

ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha ee golaha, ayaa ku guulaystay in aan Xeerka Diiwaangelinta Qaranka la horkeenin golaha Wakiillada, kadib markii mudanayaasha golaha loo qaybiyey  nuqulka xeerkaas oo laga codsaday in laga doodo, kadibna lana ansixiyo.

Fadhiga Golaha ee maanta waxa Guddoominayay Labada Mudane ee ku xigeenada Shirduoonka, balse ka hor intii aan xeerkan la guddogelin in la annsixiyo iyo in laga doodo , waxa golaha si keddis ah u soo galay Guddoomiye Cirro, oo safar hawlo shaqo ugu maqnaa magaalada Dubai ee dalka Imaamaardka Carabta, isagoo si deg deg ah ula wareegay shirguddoominta, taas oo ahayd dabeecad ku cusub shirgudoonka golaha oo aan hore looga baran, iyadoo mudanayaashu filayeeen in uu maqnaan doono Guddoomiyihu maadaama uu safar ku maqnaa.

Hase yeeshee Xoghayaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada Md. Bashiir Tukaale, kana tirsan mudanayaasha xisbiga WADDANI, balse taageersan ansixinta xeerkan, ayaa golaha ka hor akhriyey faahfaahinta xeerka diiwaangelinta, isagoo sheegay in xeerkan guddidiisu soo falanqaysay, kana soo gudbay, sidaa darteed loo baahan yahay in gole weynuhu ka doodo, ansixiyana.

Sawaxan ka abuurmay fadhiga. Kadib waxa dood la kacay  Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Qaranka Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, wuxuuna sheegay in aan xeerka guddidiisu ka doodin, taas oo uu sabab uga dhigay in waqtigii ay u ballansanaayeen in ay golaha usoo gudbiyaan uu ahaa toddobaadkan dhammaadkiisa, sidaa awgeed wuxuu  tilmaamay in xeerkan khaladaad badan u jiro, isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado.

“Inqilaab aan dhiig ku daadan ayaa guddidayada ka dhacay, xeerkan kamanaan soo shaqayn, Khamiistii ayaannu u ballansanayn, manaan iman Khamiistii, maantana waa Sabti, in la soo gudbiyey maan ogayn, manaan saxeexin, shaqo fara badani xeerkan way u dhiman tahay, waxaana weeyaan xeer sidii uu u shaqayn lahaa ay aad iyo aad u kala dhantaalan tahay, waana laba xeer laba hay’adood oo kala duwan kala fulinayaan, waxaannu ku kala saabsan yahay laba arrimood oo kala jaad ah. Waxaanay leeyihiin laba muddo amma laba qorshe oo kala duwan. Xeerkan waxaan leeyahay si xalaal ah guddiyada ugamuu iman. Waayo kulankii ugu horreeyey khamiistii ayaannu lahayn, toddobaadkan inaannu ka shaqayno ayey ahayd, wixii aannu soo gudbinaynana toddobaadkan dabayaaqadiisa aannu keeno, haseyeeshee, tahriib baa lagu keenay golaha, isla Khamiistii ayaana la keenay. Anniga la iima soo sheegin, golaha kamaan maqnayn, guddoomiyihii guddidaan ahay, golaha wixii loo soo gudbinayana anniga ayaa soo gudbinaya, qaabka lagu keenay muu ahayn qaab sax ah. Guddoomiye, iminkana waxaan soo jeedinayaa in guddi loo saaro xeerkan. Waa masuuliyad-darro haddii xeerkan aynu sidiisaas ku sii dayno, ha laga shaqeeyo ummadda haddii aad doonaysaan inaad u shaqays,” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Cabdiraxmaan Cirro, ayaa oo dalka ka maqnaa, ayaa deg deg usoo galay Madasha ka hor intii aan dhinac loo jihayn xeeraa, wuxuuna durbadiiba la wareegay shirgudoonka si aan looga baran, isagoo xildhibaannada u sheegay in loo yeedhi doono Guddida Doorashooyinka Qaranka si wax looga weydiiyo xeerkan, arrintaasoo ahayd qorshe diblomaasiyadaysan oo lagu hakiyey in gouhu wax dood ah ka yeeshaan xeerkan.

“Sida hab-dhaqanku yahay xeerka hay’adda soo samaysa ayaa goluhu ka bilaabi jiray. Markaa Komishanka ayaannu u yeedhaynaa, iyagaanan weydiin doonaa faahfaahinta, fadhiguna wuu xidhan yahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo hab diblomaasi ah ugu guulaystay in wax dood ah laga yeelan qaybo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee kasoo xaadiray fadhiga maanta, waxa muuqatay in ay ku lala aragti duwan yihiin wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha ee xeer Lr. 37/2007, kaas oo xukuumaddu doonayso in deg deg loo meel mariyo, balse Labada Xisbo Mucaarad ee Somaliland, ayaa qaadacay gebi ahaanba diiwaangelinta medeniga ah, taas abuurtay muran siyaasadeed xiligan.

Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo safar kaga maqnaa dalka, ayaa si aan looga baran deg deg u yimi golaha Wakiiladda, wuxuuna toos ula wareegay Shirgudoonka  golaha, taas oo u muuqatay in safarkiisa oo soo gebagebeeyay kadib markii uu ka war helay in Xeerkaa oo xisbiga uu Guddoomiyaha u yahay ee WADDANI diiday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *