Hargeysa(Araweelo News Network) Alla ha u naxariistee Prof. Cabdi Haybe Cilmi oo ka mid ahaa Aqoonyahankii doorka weyn kasoo qaatay

 

yagleelidii Waxbarshada Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, ayaa ku geeridyooday magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ahaa Aqoonyahan usoo dhabar adaygay dib u dhiska dalka Somaliland, gaar ahaan dhinaca Tacliinta iyo nabadaynta dalka, waxa geeridiisa dhanbaal tacsi ah kasoo saaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuuna tilmaan ka bixiyay doorkii uu ku lahaa dib u dhiska dalka, isagoo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka Bulshada Somaliland iyo qoyskii uu ka baxay.

Dhanbaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Prof. Cabdi Haybe Cilmi  oo ku geeriyooday 14/09/2014 Magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo berbera.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalkaa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

 

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *