Mogadishu(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa sheegatay hawlgal lagu khaarajiyay Taliye Xigeenkii la dagaalanka Argagixisada ee Somalia iyo sarkaal kale, kuwaas mid ka mid ah

 

 

magaciisa lagu sheegay Col. Maxamed Cabduqaadir Qaybe iyo sarkaal kale oo aan la xaqiijin magaciisa, kuwaas oo maanta barqadii  lagu dilay Isgoyska KM 5. Kadib markii dablay hubaysan ay weerareen Labadaa sarkaal iyo askar la socotay.

Al-shabaab, ayaa ku sheegay Barta ay ku leeyihiin Tiwetirka ku sheeciyay in ay dileen sarkaalkaa oo ahaa sida ay xuseen Taliye Xigeenkii Sirdoonka Somalia qaybtiisa la dagaalanka argagixisada, waxayna sheegeen in Ilaaladiisa ay sidoo kale dhaawaceen.

Sarkaalka la dilay, ayaa xilkaa loo dhiibay ka dib markii Al-shabaab laba bilood ka hor ku dishay weerar qorshaysan sidan oo kale Taliyihii hore ee xilkaa hayay.

Taliyaha Booliska Somalia, ayaa xaqiijiyay dilka laba Sarkaal oo ka mid ahaa Sirdoonka Somalia qaybtiisa la dagalanka Argagixisada, balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego Magacyadooda, “Sidaan warka ku helay Gaadhii ay saaran yihiin niman dablay ah ayaa qori BKM ah kalga soo furay tacshiirado gaadhiga ay wateen saraakiisha Sirdoonka oo marayay meel saxmad ah, waxaana la dilay Labadaa sarkaal, wayna baxsadeen dablaydii” ayuu yidhi Taliyaha Booliska.

Dilka Labada srarkaal oo ay sheegatay Al-shabaab, wuxuuna dilkan kusoo beegmay, iyadoo dawlada Somalia sheegtay in ay heegan gelisay ciidamada, iyadoo ka cabsi qabta in weeraro aargudasho ah kaga yimaadaan Al-shabaab. xili ay Al-shabaab ku hanjabtay in ay webiyo dhiig ah u daadinayaan Hogaamiyohoodii la dilay Axmed Cabdi Godane (Muqtaar Abu Zubayr) oo dawlada Maraykanku 1 Sep 2014 ku khaarajisay  deeganka Baraawe. kadib markii lala beegsaday gantaal.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *