saleebaan1Hargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Aqalka Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa jawaab ka bixiyay hadalhaynta mala awaalka ee mudooyinkan u

danbeeyay warbaahinta Somaliland ee maxaliga ah qaarkeed qorayeen oo lagu sheegayay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loo samaynayo muddo kordhin marka la gaadho geba-gebada mudada dastuuriga ee la doortay oo ahayd shanti sanadood ay hada sanad iyo badh ka hadheen.
Doodaha iyo sheekooyinka mala awaalka ee la xidhiidha muddo kordhinta xukuumadda aan weli mudadeedii sharciga ahaa dhamaan ayaa lagu sababeeyaa cabsi laga qabo in aanay doorashadu ku qabsoomin mudadii ku haboonayd oo ay dib u dhacdo sababo badan awgood.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan oo jawaab ka bixiyay wararka la xidhiidha mudda kordhinta xukuumadda haddii mudadeedu dhamaato sida xiliggan la saadaalinayo, isla markaana doorashooyinka Madaxtooyadu  ku qabsoomi waayaan mudada ka hadhay xilkeeda ka hor, waxa uu sheegay in aan la gaadhin waqti laga hadlo mudo kordhin oo ay weli wax badani ka hadheen mudadiii xukuumadda ee la doortay ee Dastuuriga ahayd, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
“Muddo kordhinta xukuumadda waxa aan u arkaa in aan marinkeediina iyo mowqifkeediiba lama gaadhin marka lagaadho ayaynu ka talin doonaa’’ gudoomiyaha golaha guurtidu waxa uu intaasi ku daray ‘iima muuqdaan wax laga fursan waayay oo doorashada dib loogu dhigo welina xukuumadda waxaa u hadhay sanad iyo badh wax walibana sidii loogu talo galay ayay u socdaan”ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan oo  warbaahinta kula hadlay maanta afaafka hore ee aqalka Odayaasha Somaliland ee uu gudoomiyaha ka yahay.

Jawaabta Gudoomiyaha ee la xidhiidha arrintaa kusoo beegantay maalmo ka dib markii ay soo baxeen sheekooyin mala awaal ah oo aan xaqiiqdooda laga warqabin, balse warbaahinta Somaliland qaarkeed tilmaamyeen in mudo kordhin loo samaynayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hor inta aanu dhamaan waqtiga uga hadhay mudada xilkeeda oo sanad iyo badh ah.

Sidoo kale jawaabta gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa kusoo beegantay iyadoo ay goobaha lagu falanqeeyo siyaasada maalmahan danbe dadka qaar soo gudbinayeen in ay jiraan warar laysla dhex marayo oo sheegaya in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka mudada xilkeedu dhamaado loogu dari doona mudo sadex sano ah, balse gudoomiyaha guurtida waxa uu sheegay in aanay jirin waxyaabo muujinaya in ay doorashooyinku dib u dhacaan oo laga fursan waayo muddo kordhin.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u sheegay qudbad uu ka jeediyay sanadkii hore fadhiga labada gole Baarlamaan in aanu diyaar u ahayn in maalin loogu daro xilka oo muddo kordhin loo sameeyo, taas oo ahayd dhaqankii xukuumaddii ka horeeyay, gaar ahaan xukuumaddii uu xilka kala wareegay ee Madaxweyne Daahir Rayaale oo markii ay dhamaysatay mudda xileedkeeda sadex sanadood mudo kordhin ku haysatay dalka, taas oo si weyn dadku uga horyimaadeen, isla markana sababtay in daaqada laga saaro markii la gaadhay mudadii u danbaysay ee lagu heshiiyay in muddo cayiman lagu qabto doorashada madaxtooyadda oo tiraba sadex iyo Afar jeer dib u dhacday.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *