Hargeysa(ANN) Mudanayaasha Gollaha wakiilada ayaa si weyn ugu kala qaybsamay mooshin nuxurkiisu yahay in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha wakiilada, si ay mudanayaashu fursad ugu helaan in si debecsan loo ridi karo shirgudoonka golaha wakiilada. Fadhigii gollaha
ee saaka ayaa shirgudoonka loo gudbiyay mooshin ay ku saxseexan yihiin 32 mudane, kaas oo ay ku dalbanayeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha, gaar ahaan qodobka tilmaamaya tirada xubnaha loo baahan yahay in la helo marka xilka laga qaadayo shirgudoonka, taas oo markii hore ahayd inay mudanayaasha soo jeedeeya haystaan 55 mudane. Sida ku cad xeer hoosaadka gollaha.
Mooshinkaa ayaa sawaxan iyo buuq ka abuuray gollaha. Kadib markii gudoomiye xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga gudoominayay ku gacan saydhay inuu qabto mooshinkaa, isla markaana sidaa ku xidhay fadhigii, balse daqiiqado ka dib waxa dib u furmay fadhigii, iyadoo uu kusoo laabtay gollaha gudoomiye xigeenka labaad oo shirka gudoominayay, waxaana madasha ka xaadiriyay magacyada ku saxeexnaa mooshinka xoghayaha guud ee gollahaa C/risaaq Siciid Ayaanle, taas oo ahayd il-duuf uu sameeyay gudoomiyihu oo ay ahayd inuu isagu xaadiriyo magacyada ku qoran mooshinka, kuwaas oo qaarkood la waayay. Sidaana waxa ku xidhmay fadhigii maanta ee gollaha oo ahaa mid xaasaasi ah, iyadoo loo balamay maalinta beri.
Mudanayaasha doonaya in golluhu meel mariyo mooshinka ayaa qorshaynaya sidii ay wax ka bedel ugu samayn lahaayeen xeer hoosaadka gollaha, gaar ahaan qodobka tilmaamaya tirada loo baahan yahay oo ah 55 xildhibaan, taas oo adkaynaysa in si fudud loo bedelo shirgudoonka, halka ay doonayaan in tiradaa la yareeyo si ugu suurta gasho in si fudud loo bedelo shir gudoonka.
Hase yeeshee xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku doodaya in aanay haboonayn in qodobkaa wax ka bedel lagu sameeyo, taas oo ay ku tilmaameen mid horseedi karta in hogaanka gollaha iyo hawlihiisu galaan fawdo, isla markaana ay taasi horseed u noqon karto in kooxdii cadhootaaba soo gudbiso mooshin lagu ridayo shirgudoonka. Sidoo kale mudanaaysha ku doodaya in la joojiyo mooshinku waxay diidmada talaabadaa ku salaynayaan in gollaha wakiilada oo maalmo ka hor ansixiyay xeerka kala xadaynta mushaharooyinka madaxda qaranka oo ay mushaharooyinka ku kordhisteen, isla markaana dadweynhu isha ku hayaan in aanay bilaabin muran iyo khilaaf cusub, balse ay ummada u shaqeeyeen oo mudada loo kordhiyay aanay ku mashquulin danohooda. Sidaa awgeed waxay mudanayaasha mooshinka kasoo horjeedaa ku doodayaan inay talaabada noocan ah ee mooshinka xiligani gollaha u keeni karo bur-bur iyo dhaawac siyaasadeed oo galaafta gollaha wakiilada.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in gudoomiyaha gollaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu maanta soo dhexgalay muranka u dhexeeya mudanayaasha ee ka dhashay mooshinkaa, balse kulamada uu gudoomiye saleebaan la yeeshay dhinacyada ayaan ilaa hada waxba kasoo bixin, iyadoo muranka iyo khilaafka ka dhashay mooshinku kusoo beegmay xili ay gudoomiyihii iyo gudoomiye xigeenkii gollahaasi ay safar debeda ah dalka kaga maqan yihiin, isla markaana Isniintii todobaadkan ay kordhisteen mushaharkooda, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Bulshada.
Si kastaba ha ahaatee mooshinka xiligan koox mudanayaasha ka mid ahi gollaha usoo gudbiyeen ayaa abuuray dareen xaasaasi ah, isla markaana waxa muuqata inay mudanayaasha dabada ka riixiyaa ku adkaanayso inay meel mariyaan mooshinkaa, maadaama ay adagtahay inay helaan 55 xildhibaan si wax looga bedelo xeer hoosaadka gollaha. Kadibna ay ugu gudbaan qodobka ay doonayaan ee qeexaya qaabka loo ridayo shirgudoonka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380