Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ka saaray golaha xildhibaano gudan waayay xubinimadii aqalkaa, kuwaas oo lagu eedeeyay in gudan waayeen shaqadoodii oo aanay ka xaadirin 20 Kal-fadhi oo isku xiga. sidaana lagaga saaray Golaha Wakiilada.
Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ka sheegay magacyada afarta Xildhibaan ee xubinimadoodii waayay ka dib markii sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo isku xiga.
Afartan Xildhibaan ee laga saaray golaha waxay magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali, Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil.
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005 waxaa Goluhu u gudbinayaa gudida Doorashooyinka qaranka si ay u soo buuxiyaan boosaskaa banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September 2012.
Fadhiyada Golaha Wakiiladda ayaa inta badan kooram la’aan u baaqda, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaado Xildhibaanada aan ka xaadirin fadhiyada ee aan gudan waajibaadkooda shaqo.
Waa markii u horeysay ee Golaha Wakiilada Somaliland ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan tan iyo markii la soo doortay dabayaaqadii sanadkii 2005, balse waxa jira xildhibaano sidan oo kale aan mudo dheer kasoo xaadirin fadhiyada golaha, balse aan lagu soo darin liiska xubnaha laga saaray golaha wakiilada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com