Hargeysa(ANN)Fadhigii Golaha Guurtida ee Somaliland ee maanta ayaa waxay Duudub ku Ansixiyeen Xeerka Nom.20 oo Dhallinyarada Somaliland u Jidaynaya in 25 jir kaga qaybgali karaan doorashada Golaha Deeganka, Fadhigaa oo uu Shir Guddominayey Guddomiye ku-xigeenka Golaha
Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Nurre, waxaa kasoo qaybgalay 45 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Guurtidu, Xeerkan Waxa u Codyeey Meel Marintiisa 37 Xildhibaan, Waxa diiday 8 Xildhibaan, Cid ka Amuustayan ma jirin Gudomiyuhuna muu Codeynin, Sidaana waxa ku Ansaxay Xeerkaa.Fadhigaa oo ay Xildhibaanadu ka hor intaan la ansixin dood adag ka yeesheen, waxay qaarkood si kulul u sheegeen in aanay Da’da 25jir ahi aanay ahayn mid ay kaga qaybgali karaan Doorashooyinka Golaha deeganka, iyaga oo Saldhig uga dhigaya in Dhalinyarada ay aqoon iyo Khibrad badan u bahan yihiin. Sidaa awgeed loo baahanyahay in qodobkaa wax laga bedelo.
Lakiin Xildhibaanada Taageersana in la ansixiyo Xeerkan ayaa ku doodayey in loo bahan yahay in dhalinayaradu ay u baahan yihiin inay Saaxada Siyaasada kusoo biiran, iyagoo xusay in muddo dheer uu Xeerkani Dabar ku ahaa dhalinayarada sidaa awgeed la ansixiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com