Hargeysa(Araweelo News network)Mooshino kala duwan oo saaka la filayay in la horkeeno fadhiga golaha wakiiladda ayaa dib loo dhigay, kadib markii ay madasha

si lama filaan ah usoo galeen ergo ka socota Golaha Guurtida oo uu hogaamiyo shirgudoonka golahaa.
Ergada ayaa hakiyay qorshayaasha Mooshinada la doonayay in saaka la horgeeyo golaha, kuwaas oo kala ujeeddooyin iyo siyaasad ahaa, waxaana saaka soo buuxdhaafaiyay agagaarka dhismaha Baarlamaanka  dadweyne danaynayay mooshinadaa oo u dhegtaagayay.
Kooxda dhinaca Kulmiye xubnaha ugu jira golaha wakiiladda ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo la xidhiidha arrimaha ka dhashay xeer hoosaadka golaha wakiiladda iyo khilaafka ka dhashay ka arinsanayay, waxayna xoggo la xidhiidha qorshohoodu sheegayeen in saaka ay u balansanaayeen sidii meesha looga saari lahaa caqabada iyo khilaafka ka dhashay xeer hoosaadka wax laga bedelay, balse dhinaca kale ee Gudoomiye Cirro ayaa iyaguna doonayay in aanay aqbalin qorshaha ay kooxda kale wataan, iyadoo qolo walba dhinaceeda tirsanaysay guul.
Hase yeeshee waxay xaaladda wax iska bedeleen markii ay koox Odayaasha Guurtida oo uu hogaaminayaan shirgudoonka aqalka Odayaashu isku shubeen golaha wakiiladda, kuwaas oo ku hagoogtay mooshinada la filayay in saaka lagu kala calafqaado, waxayna dhinacyadu oggolaadeen in dib loo dhigo mooshinadaa, balse ma muuqo xal weli laga gaadhay waxyaabaha sababay mooshinadan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *