Paris(ANN)Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay dhimashada sarkaal kaga dhaawacmay hawlgalkii ay ciiidamadooda Kamaandoostu ku qaadeen Degmada Buulo-Madheedh ee Shabeelle ee Koomfurta Somalia. kadib hawlgal ay doonayeen inay kusoo furtaan
sarkaal ay Al-shabaab u haysatay afduub, balse ay dileen weerarkaa ka dib, isla markaana ay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamada Faransiiska ee hawlgalka weerarka qaaday.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in ninka dhintay magaciisu ahaa Captain “Patrice Rebout” , kaas oo sida ay sheegeen Faransiisku ka mid ahaa Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska tan iyo 1996 xilligaas oo isagoo ka tirsan Ciidamada loo yaqaano “8RPIMa” uu kasoo shaqeeyay wadamo dhowr ah oo ay ka mid yahay dalka Gaaboon ee Qaarada Afrika.
Ninkan Captain Patrice Rebout iyo 50 kale oo Kumaandoos ah ayaa kasoo qaaday weerarkaa Markab Dagaal oo lagu Magacaabo “ Mistral”, iyagoo la socda ldiyaaradaha Hilikobterka ee Faransiisku leeyihiin, kuwaas oo ah nooca loo yaqaano Tiger, isla markaana ay weheliso diyaarad uu Maraykanku leeyahay, kuwaas oo habeen saqdhexe weeraray Buula-madheedh.
hase yeeshee Guuxa Diyaaradaha ay dareen geliyeen Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab kadibna Dagaal culus dhulka kula Galeen Kumaandoosta Faransiiska sidaasna ay Gaaladii ku jabtay.
Hase yeeshee Sarkaalka Geeriyooday ee maanta magaciisa lasoo bandhigay ayay Faransiisku sheegeen in uu dhaawac halis ah soo gaadhay kadibna loola cararay Markabkii uu markii hore kasoo degay si loogu daaweeyo, balse uu dhaawicii soo gaadhay u geeriyooday.
Dhimashada sarkaalkan ee ciidamadii ka hawlgalay hawlgalkii la doonayay in lagu soo furto Alex ayaa ka dhigaya khasaaraha dhimashada askarta kamaandoosta faransiiska sadex askari, iyadoo ay Al-shabaab sheegeen inay ciidamada weerarka ahaa ee Faransiisku ka carareen sarkaalkii watay oo dhintay saacado ka dib, isla markaana ay dileen sarkaalkii ay afduubka u haysteen ee kamaandoostu doonayeen inay kusoo furtaan hawlgalkaa.
[…] weyn ee deegaanka Buulamadheedh ay ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta, waxa laga xukumaa qaybta koowaad (sector one), oo ah […]