Garoowe(ANN)Fannaannadda Caanka ah ee Saado Cali Warsame, ayaa ku dhaawacantay galabta  shil Baabuur oo ka dhacay jidka u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Waxaana shiilkaa ku

geeriyooday hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen  sadex qof oo kale oo ay ka mid tahay  Fanaanadda Saado Cali.

Shilkaa  oo ka dhacay meel qiyaastii 45km u jirta Garoowe, waxa sababay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Garoowe. Kadib markii  Gaadhigii ay la socdeen fanaanadda Saado Cali  iyo dad kale oo kasoo degay madaarka Gaalkacyo, isla markaana  u safrayay dhinaca  magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland ay isku dhaceen Baabuur kale oo Xamuul ah, taas oo keentay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay.

Boqolaal dad ah ayaa kusoo ururay Cusbitaalka Garoowe caawa fiidkii markii ay maqleen shilkaa iyo dhaawaca soo gaadhay Fannaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo lagu dawaynayo cisbitaalka Magaaladda Garoowe, waxay dhakhaatiirta dawaynaysaa sheegeen inuu Dhaawaca soo gaadhay fannaanadu yahay mid fudud marka loo eego qaabka shilku u dhacay, iyadoo dhaawac kasoo gaadhay  gacanta oo ay ka jabtay iyo sidoo kale  dhaawac kasoo gaadhay qoorta iyo garabka bidix, balse ay xaaladeedu fiican tahay. Shilkaa waxa kale oo  dhaawacyo culusi kasoo gaadheen  laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday fannaannada.

Saado Cali Warsame oo ka mid ah fannaaniinta caanka ah ee Soomaalida, isla markaana kasoo jeeda Somaliland, waxay sanadii  u danbeeyay ku noolaayd dhinaca qurbaha, isla markaana waxay si cad uga muuqatay dhawrkii sanandood ee u danbeeyay kooxda sida weyn u taageerta  kooxda la baxday khaatumo ee uu hogaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, kuwaas  oo xukuumadda Somaliland ku eedayso inay qas iyo qalaalse ka wadaan deegaanka Sool, isla markaana xarun ka dhigtay deegaanka Buuhoodle, waxaana la rumaysanyahay inay waqtigan Fannaanada Saado Cali u socotay sidii loo dardar gelin lahaa kooxdaa oo ay si weyn ugu guubaabiso dhinaca fanka. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *