Garoowe(ANN)Fannaannadda Caanka ah ee Saado Cali Warsame, ayaa ku dhaawacantay galabta shil Baabuur oo ka dhacay jidka u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Waxaana shiilkaa ku
geeriyooday hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale oo ay ka mid tahay Fanaanadda Saado Cali.
Shilkaa oo ka dhacay meel qiyaastii 45km u jirta Garoowe, waxa sababay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Garoowe. Kadib markii Gaadhigii ay la socdeen fanaanadda Saado Cali iyo dad kale oo kasoo degay madaarka Gaalkacyo, isla markaana u safrayay dhinaca magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland ay isku dhaceen Baabuur kale oo Xamuul ah, taas oo keentay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay.
Boqolaal dad ah ayaa kusoo ururay Cusbitaalka Garoowe caawa fiidkii markii ay maqleen shilkaa iyo dhaawaca soo gaadhay Fannaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo lagu dawaynayo cisbitaalka Magaaladda Garoowe, waxay dhakhaatiirta dawaynaysaa sheegeen inuu Dhaawaca soo gaadhay fannaanadu yahay mid fudud marka loo eego qaabka shilku u dhacay, iyadoo dhaawac kasoo gaadhay gacanta oo ay ka jabtay iyo sidoo kale dhaawac kasoo gaadhay qoorta iyo garabka bidix, balse ay xaaladeedu fiican tahay. Shilkaa waxa kale oo dhaawacyo culusi kasoo gaadheen laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday fannaannada.
Saado Cali Warsame oo ka mid ah fannaaniinta caanka ah ee Soomaalida, isla markaana kasoo jeeda Somaliland, waxay sanadii u danbeeyay ku noolaayd dhinaca qurbaha, isla markaana waxay si cad uga muuqatay dhawrkii sanandood ee u danbeeyay kooxda sida weyn u taageerta kooxda la baxday khaatumo ee uu hogaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, kuwaas oo xukuumadda Somaliland ku eedayso inay qas iyo qalaalse ka wadaan deegaanka Sool, isla markaana xarun ka dhigtay deegaanka Buuhoodle, waxaana la rumaysanyahay inay waqtigan Fannaanada Saado Cali u socotay sidii loo dardar gelin lahaa kooxdaa oo ay si weyn ugu guubaabiso dhinaca fanka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com