wakiilada2Hargeysa (Araweelo News Network) fadhigii gollaha wakiilada oo la filyay saaka in laysku muquuniyo cod ayaa la xidhay ka dib markii gudoomiyah gollaha wakiiladu arkay xaalada oo farraha ka sii baxaysa .

 

Labada garb ee iska soo horjeeda oo mid waliba doonyay in uu maquuniyo dhinaca kale ayaa soo dhigay laba mooshin oo kale duwan ,kuwaas oo mida  kood la doonyay in laga takhaluso gudoomiyaha gollaha wakiilad Cabdirahmaan Cirro oo ah gudoomiyah xisbiga mucaaridka ee wadani ,iyadoo garabka Cabdirahman Cirro hogaaminayay ay wateen mooshin la doonyay in laga takhaluso ku xigeenida shirgudoonka ee uu hore u naaqusay awoodooda ,hasayeeshe gudoomiye cirro waxa uu gaadhay go,aan deg dega wuxuun ku wargaliyey gollah in golluhu xidhan yahay mooshinadd loo gudbinyo la talyah sharciga si uu u waafajiyo sharciga ,
Hasayeeshe wax madasha ka bilowdey buuq iyo sawaxan ka dib markii ay mudanyaasha u dhaarsanaa in ay ka takhalusan cirro aad uga xumaden xeelad uu u isticmaaley cirro.
Mooshinka la doonyey in laga takhaluso cirro wax saxeexey 58 muddane halka mooshinka kale ee la doonyey in lagag takhaluso labad ku xigeen ay ku saxeexanyen 43 muddane 
Fadhigii gollah wakiilad shalley wax ku hagoogtey oo dib u dhigey ergo ka timidey golllah guurtida oo uu hogaaminyey gudoomiye ku xigeenka koobada ,kuwaas oo ku guuleystey in ay hakiyaan fadhigii shalley oo kaliyah balse maanta ayaa mar kale sheekadi ka bilaabantey halkeedii iyadoo aan wax xall laga gaadhin 24 sacadod ee la soo dhaafey 

By Axlaam Mohamed

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *