markii caawa qasriga Madaxtooyada kulan gaar ahi ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa doonayay inuu is casllo.
Wadahadladaa oo ahaa kuwo dhexmaray Madaweynaha iyo wasiirkiisa Maaliyada Eng. Xaashi ayaan natiijadooda la shaacin, balse warar xog ogaal ah ayaa u sheegay Araweelonews inuu Wasiirku ka noqday dalabkii ahaa iscasilaada, isla markaana ay Madaxweynaha isku afgarteen waxyaabihii uu ka taagnaa muranku kuwaas oo aan si cad loo ogalay laakiin lala xidhiidhiyay isku shaandhayn Madaxweynaha u qorshaysan oo si weyn loo hadal hayay mudooyinkii u danbeeyay.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan dalabka is casilaada Wasiirka Maaliyadda oo kasoo baxay dhinaciisa. Sidoo kale Madaxtooyadda Somaliland ayaanay kasoo bixin dhinaceeda war rasmi ah oo xaqiijinaya is casilaada wasiirka ee suuqa soo laysla dhexmarayo iyo asbaabaha ay la xidhiidha.
Wasiirka Maaliyadda iyo qasriga Madaxtooyadda oo aanu isku daynay inaanu arrimahaa wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan wararka sheegaya dalabka is casilaaada wasiirka maaliyadda iyo waxa uu ku dhamaaday kulankaa caawa dhexmaray Madaxweynaha.
Laakiin warar xog ogaal u ah arrimahaa ayaa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay is inuu wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi saaka barqadii u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo qoraalka is casilaada, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo aqbalay qoraalkaa wasiirka, balse kulankaa caawa uu wasiirku kaga noqday is casilaadii uu gudbiyay. Kadib markii ay Madaxweynaha si gaara uga wada hadleen waxyaabaha salka u ahaa dalabka wasiirka.
Dhinaca kale dalabka is casilaada wasiirka Maaliyadda ayaa kusoo beeganatay iyadoo la filayo maalmaha soo socda ama, saacadaha fooda inagu soo haya inuu Madaxweyne Siilaanyo daaha ka faydo isku shaandhayn balaadhan oo la hadalhayay mudooyinkii u danbeeyay, taas oo ahayd qorshe dhawr jeer dib u dhacay, balse ugu danbayntii Madaxweyne Siilaanyo kaga soo baaraandegey dhowaan markii uu safarka fasaxa ah ugu maqnaa dalka Britain oo uu jeebka ku sitay markii uu dalka dib ugu soo laabtay, taas oo la filayo inuu shaaca ka qaado xiliyada soo socda oo ay galaafato masuuliyiin baddan oo qaarkood xilkooda ku waayaan.
Qorshaha isku shaandhaynta ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa kow ka ahaa xilka qaadista todobaadkii hore ee Maareeyihii Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, kaas oo xilka ku wareejiyay shalay Eng. Cali Cumar (Cali Xoor Xoor) oo xilka Maareeyaha Dekedda dib loogu magcaabay. Sidaa awgeed is casilaada Eng. Maxamed Xaashi ayaa loo fasiray mid uu kaga hordhacayo qorshahaa Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sitay markii uu dhowaan kasoo laabtay Britain, iyadoo Wasiirka Maaliyadda loo qorsheeyay Dr. Sacad Cali Shire oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha dhaqaallaha, isla markaana wasiirka maaliyadda Eng. Xaashi loo bedelayo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Laakiin ilaa hada ma cada in isku shaandhayntu u qorshaysan Madaxweynaha ay arrimahani wax ka bedeleen iyo in kale, balse waxa la eegaya waxa kasoo baxa marka uu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyo maalmaha ama saacadaha fooda inagu soo haya. wixii kasoo kordha wararkaa kala soco araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com