Hargeysa(ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hogaaminaya wefdi ka kooban 73 xubnood oo ka kala socda Wasaaraddaha Dawlada, Ururada Bulshada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa maanta u dhoofay dalka Djibouti, kuwaas oo ka qaybgelaya shirk u saabsan sidii ay Dawladda Mareykanku
uga hirgelin lahayd Somaliland mashaariic horumarineed oo markii u horreysay si toos ah u siiso Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland.Wefdiga uu higaaminayo Dr. Gaboose oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka qaygelya shir hawleed socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu darsayo baahiyaha Somaliland ee ay wax ka qabanayso dawladda maraykanku, kaas oo ay ku qabanayso dalka Djibouti.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wefdiga uu hogaaminayo waxa xuno ka ah Wasiirradda Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsadde, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkod, Maayaro, Badhasaabada Gobollada qaarkood, Shirkadaha Ganacsiga iyo ururada bulshada.
“Weftigan balaadhani waxay ka qaybgalayaan kulan balaadhan oo ay Djibouti ku qabanayso Hay’adda Kaalmooyinka u qaabilsan Mareykanka ee USAID, taasi oo kaalmo toos ah siinaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud, mashaariicdaasi oo la doonayo inay saamayn toos ah ku yeeshaan Wasaaradaha Dawladda,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in shir hawleedkaa lagu falanqeynayo sidii loo kala horaysiin lahaa baahiyaha kale duwan ee dalka.
“Mashaariicdan tooska ah ee dawladda Mareykanku siinayso hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland waxay markhaati cad u tahay nabadgelyadda, maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, kaalmooyinka Mareykanku ina siiyo waxay inoo soo marin jireen Hay’addo kale. Laakiin waa markii u horeysay ee USA ay si toos ah hay’addaheena dawliga ah ula shaqeyso. Waxa hore u jiray todoba Wasaaraddood oo ay mashaariic u soo marin jireen hay’adaha IOM,” ayuu yidhi Agaasimaha oo ka mid ah weftigaaasi oo maanta u waramayay Radio Hargeysa. Ka hor intii aanay dalka ka bixin.
Araweelonews.com
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com