sheekh dheeg1Doorashooyinka Ururka Al Islaax Ee Hogaanka Guud, Xubno Ka Mid Ah Culimada Somaliland Oo La Magcaabay Iyo Saamaynta Ay Ku Leeyihiin Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Somaliland Iyo SoomaaliyaMuqdisho(Araweelo News Network)Ururka Al Islaax oo ka mid ah Ururada diimeed eek a jira geyiga Soomaalidu degto, ayaa kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday Magaalada Muqdisho xarunta Soomaaliya oo

 

ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ah, Culumu’udiin, aqoonyahano, mas’uuliyiin ka socotay ururka Al Islaax, iyo marti sharaf kale. Waxa laga soo saaray qoraal kooban oo sheegaya in gudoomiyihii hore ee Ururka dib loogu doortay.

 

Kulankaa oo ujeedadiisa lagu sheegay inuu ahaa mid la doonayay in xal loogu helo khilaaf soo dhexgalay Ururka oo mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa hogaanka iyo awooda Ururka, ayaa gebagebadii lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay in gudoomiyaha Ururka dib loogu doortay  Dr Cali Baashi Cumar (Rooraaye) oo ka mid ah Dhaqaatiirta ugu caansan Soomaaliya, isla markaana ah ahna Sheekh Diinta Islaamka ku taqasusay, kaas oo  markii labaad  loo doortay inuu hogaamiyo Ururka Al-islaax mudo shan sanadood ah.

 

Dadkii ka hadlay kulankaa oo shalay lasoo gebagebeeyay, wax aka mid ahaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada ugu caansan dalka,   isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay in xal laga gaadho khilaafka soo kala dhex galay ururka Al Islaax waxaa uu sheegay in had iyo jeer loo baahanyahay in laga fogaado wax kasta oo khilaaf keeni kara.

 

Sidoo kale sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Gudoomiyaha ururka Al Islaax Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay shirkaa ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay in maanta  xal laga gaadho khilaaf ka dhex jiray xubnaha ururka Al Islaax, wuxuuna uu ugu baaqay dadka ka tirsan ururkaasi inay ka qeyb qaataan horumarinta ururka iyo xoojinta midnimada.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in gudoomiyaha Gudida Fatwada Al Islaax loo doortay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ka mid ah Culimada Somaliland, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku jiraan gudiyada cusub iyo hogaanka Ururka Al Islaax doortay.

Ururka Al-islaax ee ka tirsan Ururweynaha Akhwaanul-Muslimiinta dalka Masar ee dhowaan la afgenbiyay madaxweynihii kasoo jeeday eek u guulaystay doorashadii kal hore ee dalka Masar, taas oo saamayn weyn ku yeelatay hadafkii iyo yoolkii mudada dheer ay dhinaca siyaasada ugu soo samrayeen Ikhwaan muslimiin.

Faraca ikhwaan Muslimiin ee Soomaliya ku sugan oo dhowaan awood ku yeeshay hogaaminta Siyaasada Somalia kadib markii Somalia loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah xubnaha Ururkaa, waxa soo kala dhexgalay khilaaf dhinaca hogaaminta Ururka ah, waxaana ururka laga saaray xubno ay ka kid yihiin C/raxmaan Ghadhyare iyo rag kale oo xubno mihiim ah ka ahaa Ururkaa.

Sidoo kale Al Islaax oo dhinaca Somaliland waqtigan si weyn awood ugu yeelatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo lala xidhiidhiyo inay yihiin awood aan la dafiri Karin, ayaa tan iyo markii la doortay golaha wakiiladda Somaliland 2005, waxay si weyn uga dhex muuqdeen golayaasha iyo axsaabta qaranka, iyagoo sidoo kalena awood weyn iyo saamayn ku leh dhaqaalaha dalka Somaliland iyo siyaasadaba.

 

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *