axmed rooraayeHargeysa(Araweelo News Network) Agaasimhii hore ee Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Axmed X. Cabdullaahi (Axmed Rooraaye) ayaa maanta ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay la dhigay Cusbitaalka Shifa ee Magaalada Hargeysa. Kadib markii uu soo waajahay xanuunka Faaliga, balse shalay ayaa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kaas oo uu maanta ku geeriyooday, waxaana Marxuumka lagu aasayaa galabta xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga magaalada Hargeysa.

Allah ha naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Cabdullaahioo ka mid ahaa saraakiisha Xisbiga Kulmiye, wuxuu ahaa Gudoomiyihii Ololaha Doorashooyinka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sanaag, waxaana markii xisbiga Kulmiye ku guulaystay talada dalka 2010, loo magcaabay Agaasimaha Wasaaradda Dib U dejinta , balse mudo yar ka dib ayuu iska casilay xilka Agaasimaha.

Marxuum Axmed Rooraaye, wuxuu mudooyinkan danbe si weyn u weerari jiray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhaliilo dhinaca saxaafadda u marin jiray. Sidoo kale wuxuu qoraalo taxane ah oo uu dhowaan warbaahinta maxaliga ah ku qoray ku iftiiminayay kooxaha wadaadada ee siyaasada iyo talada dalka si weyn uga dhexmuuqda.

Tafaftirayaasha, weriyaasha iyo Hawlwadeenada Shebekaddaha Arraweelo.com iyo araweelonews.com waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo asxaabtii uu ka gooriyooday, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo maxruumka Samir iyo iimaana Illaahay inaga siiyo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *