Hargeysa(ANN)Dood xaasaasi ah oo si weyn laysugu waajahay, isla markaana lagu falanqeynayay furashada ururada siyaasada, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Doodaa o ay soo agaasintay xarunta Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland iyo Machadka
Cilmi baadhista iyo horumarinta. Waxa qaybgalay masuuliyiin ka socday saddexda xisbi ee Somaliland iyo qaybo kale oo ka tirsan bulshada.Waxa ugu horayn madashaasi lagu daawaday oo lagu soo bandhigay Filim dukumantari ah oo laga soo diyaariyay aragtida dadweynaha Somaliland ka qabaan in loo galo doorashooyinka soo socda Ugu horeyn waxaa halkaa lagu daawaday Flimd ka tarjumayey aragtida dadeynaha ee ku wajan qaabka loogalayo Doorashooyinka soo socda iyo waxay kaga duwanaan karaan afartii doorasho ee aynu soo galnay.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Xaaji Maxamed Xamari oo ka ka hadlay doodaasi ayaa sheegay inaanay iyagu ka qeyb galayn doodan, maadaama oo ay yihiin garsooreyaal dhexdhexaadinaya xisbiyada doorashooyinka.
Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ahna Ku simaha Gudoomiyaha xisbigaa Madaxweyne Xigeenkii hore Axmed Yuusuuf Yaasiin oo ka mid ahaa xubnaha doodaa ka qaybgalay ayaa sheegay inaanay daruuri ahayn, isla markaana aanay wacyiga Somaliland la jaan qaadi karin in xiligan la fasaxo furashada ururada siyaasada.
. Sidoo kale waxa isaguna si weyn uga biyo diiday oo ganafka ugu dhiftay in la furo ururada Siyaasada Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE. Kayse Xasan Cigge, wuxuuna ku dooday inaanay sharci ahayn in la fasaxo furashada ururada siyaasada. Mawqifka noocaa ah waxa isna doodiisa ku saleeyay Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Muuse X. Maxamed Guulleed (Muuse Inji) oo isaguna xisbiyada kale ku raacay inaanay haboonayn furashada ururada siyaasada.
Haseyeeshee Guddoomiyihii xiligii olalaha doorashadii madaxtooyadda ee xisbiga Tallada haya ee KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe oo ka qaybgalay doodaa ayaa si kulul ganafka ugu dhiftay dooda masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, wuxuuna isagoo gacanta ku haya Buugga uu ku qornaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE u soo bandhigay ummadda waxa uu yidhi, “Anigu waxaan ahaa Gudoomiyihii Gobalada galbeedka ee tartankii olalihii doorashadii Madaxtooyada ee la soo dhaafay haddii aanu KULMIYE nahayna waxyaabihii aanu dadka u sheegaynay waxa kamid ahaa inaanu ogolaanayno inay dadku dib u furan doonaan ururadii siyaadda haddii ay codkooda nasiiyaan oo aanu doorashada ku guuleysano Xogyaha Xisbiga Kumiye-na waxaan leeyahay dib ugu noqo Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye.”
Guddoomiyihii hore siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, oo halkaasi ka hadlay ayaa xisbiyada ku dhaliilay furfurnaan la’aan waxaanu ku tilmaamay kuwo aan la iska dhex sharaxi kar, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Horta waxaa fiican inaan marka hore is waydiino waar Xibiyadu iyaga qudhoodu Dimuqiraadi ma yihiin oo dhexdooda ma laga tartami karaa oo wixii la doono ma laga odhankaraa mise waxay u xidhanyihiin dad gaara.”
Gar yaqaan Aadan Xaaji Cali oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u habayn iyo fasiraadba lagu sameeyo Qodobada 14-aad iyo 9-aad ee xeerka doorashooyinka Somaliland oo saldhig u ah muranka siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaga doorashooyinka iyo in dib loo furan karayo ururadii siyaasada. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, oo ka hadlay doodaasi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la fasaxo furashada ururada Siyaasada, waxaanu sadexda xisbi qaranba ku sifeeyay kuwo rag koobani xuurtaysteen oo ay ka dhigteen wax ay jeebka ku haystaan.
“Waxaan qabaa in dadka loo ogolaado inay furtaan ururadii Siyaasadda waayo kuwan hadda joogaa waxay ka dhigteen meel ay iyagu iska leeyihii, adeer adiga waxaan ku waydiinayaa sideebaad gudoomiye nimada uga qaadikartaa Faysal Caliwaraabe waakan ku dhagan ee laga fujin layahaye,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.
Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo ka socotay ururada bulshada ayaa sheegtay inay danaynayso in la fasaxo furashada ururada siyaasada, si kor loogu qaado hanaanka dimuqraadiyada dalka. Maxamuud Jaamac Sifir oo ka qaybgalay dooda ayaa ku tilmaamay saddexda Xisbi qaran, waxa uu ugu yeedhay (P5) oo ah shanata wadan ee leh awooda codka fiitooda ee golaha amaanka. Kuwaas oo waxa ay doonayaan oo keliyi ka socdo halkaa.
Sidaa awgeed waxa uu sheegay inay halkan Somaliland ka jiraan, waxa uu ugu yeedhay (P3) oo uu sheegay inay yihiin saddexda xisbi ee ka jira Somaliland oo waxa ay doonayaan oo keliyi socdo, balse loo baahanyahay in shuruucdii la sameeyo.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com