duqaynta QazaGaza(Araweelo News Network)Dawlada Isra’iil ayaa dib u billawday duqeynta aan naxariista lahayn ee ay ku hayso shacbiga reer Falastiin ee Gaza, saacado kaddib markii ay

 

oggolaatay hindisaha xabadjoojinta ee ee xukuumadda Milateriga Masar warbaahinta ka sheegtay.

Ururka Xamaas ee maammulo Gaza ayaa sheegay, ayaa dhinaciisa sheegay in aanay aqoonsanayn hindisaha xabadjoojinta ee Masar, waxayna sii wadeen gantaallaha ay ku ridayaan Isra’iil.

Dawlada Masar ee Milateriga ah ayaa hore ugu tilmaantay Hamaas urur ka mid ah kuwa argagixisada ee ka jira gobolka, taas oo meesha ka saartay in ay Hamaas aqbasho hindise ka yimaada dhinaca xukuumadda Masar oo ay u aragto mid aan dhex ahayn.

Golaha wasiirrada Isra’iil oo yeeshay kulan deg deg ah oo la xidhiidha ammaanka ayaa hore u sheegay inay oggolaadeen heshiiska xabadjoojinta, balse waxay ka digeen inay sii wadi doonaan weerarrada haddii gantaallo laga soo rido dhinaca Gaza.

Hase yeeshee Xamaas ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin xabadjoojin inta Isra’iil ay ka sii daynayso maxaabiista reer Falastiin ah oo ku xidhan xabsiyadeeda, isla markaana ay xayiraadda ku dhowaad sideed sanadood saarayd marinka Qaza ka qaadayso.

Dhawaaqyo dublamaasiyadeed oo la doonayo in lagu joojiyo xiisada collaada iyo dagaalka duqaynta ah ee Israel ka wado dhulka Falastiin ayaa guuldaraystay, waxaana Duqeymaha Isra’iil ay ku hayso Marinka Gaza mudo todobaad ah ku dhintay dad kun dhaw 200 qof, kuwaas oo u badan haween iyo caruur, iyadoo ay ku jiraan qoys ka koobnaa 17 qof, waxaana ku dhaawacmay kumanaan shacabka reer Falastiin ah.

Xaaladda ayaa sii xumaatay, iyadoo Israel ay soo waajahday cabsi weyn. Kadib markii gantaalaha Hamaas gaadheen magaalooyinka waaweyn ee Isra’iil, kuwaas oo aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, waxaana inta badan gantaalaha Ururka Hamaas lagu qarxiyay hawada ka hor intii aanay gaadhin goobihii ay ku jihaysnaayeen marka laga reebo tiro ilaa Afar gantaal oo ay ku guuldaraysteen in hawada lagu qarxiyo.

Hamaas, ayaa sidoo kale ka yaabisay dawlada Isra’iil kadib markii ay hawada dalkaa u dirtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo gaadhay gudaha Israa’iil, kuwaas  oo aan wax khasaare dhimasho ah weli gaysan, balse walaac iyo baqdin xooggan ku beeray dawladda iyo dadweynaha Yuhuuda, kuwaasoo ku nool goddad iyo dhulka hoostiisa oo loogu talogalay in lagaga gabado weerrarda gantaalaha ah.

Dawladda Israel ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad bilaa duuliye ah oo ururka Xamaas leeyahay, taasoo gudaha u gashay dalka Israa’iil. Diyaaradaa oo ka hor intii aan la toogan maraysay
Magaalada dekedda ah ee Ashdod, iyadoo diyaaradaas bilaa duuliyaha ah lagu soo riday gantaalo dalka Maraykanku ku caawiyey Yuhuuda.
Bayaan kasoo baxay  qaybta warbaahinta Hamaas ayaa lagu faah faahiyay in Hamaas adeegsadeen sadex nooc oo diyaarado ah, kuwaas oo kala ah Diyaaradda magaceedu yahay AIC , taas oo laga diray  Gaza, isla markaana howlgallo gaar ah kasoo fulisay gudaha dhulka Yahuudu heysato.

Sidoo kale waxay Hamaas sheegtay in diyaarad kale oo wadata magaca AIB, isla markaana ah mid qaada hal qof oo loo adeegsanayo duqeyn is qarxin ah oo ay  ka geysan karto bartilmaameedyo gaar ah iyo diyaarad wadata magaca AIA oo Drone ah, taas oo ay sheegeen in ay duulimaad kusoo sameysay sedax jeer magaalada Talaabiib gaar ahaan wasaaradda difaaca Yahuuda, balse waxay qireen in markii danbe lasoo diray Diyaaraddaa.

Diyaaradaha ay markii u horaysay taariikhda isticmaalaan Hamaas oo ay gamcohooda ku samaysteen, ayaa dhamaantood loogu magacdaray (Abaabiil), waxayna walaac weyn ku abuureen diyaraadaha Hamas Isra’iil iyo wadamada reer galbeedka ee taageera Yuhuuda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *