images/stories/136164_13644219_460x306.jpg Switzerland(ANN) Dayaarad ku shaqeyneysa Solarka qoraxda oo tijaabo ah ayaa ku degatay waddanka Switzerland kadib markii ay hawada ku jirtay muddo 26 saacadood iyadoo aan isticmaalin dhibic shidaal ah.
inkasta oo aanay Dayaaraddu ahayn mid awood badan. Hadana duuliyaha diyaaradaa Mr.
Andre Borschberg oo keiligii saaraa diyaarada ayaa sheegay inay ku duulaysay joog ka sareeya 8,700 mitir ayaan lahayn awood badan, Waxa ay siday hal duuliye oo kaliya, laakiin kooxaha soo saaray ayaa sheegaya inay rajeynayaan inay wax ka beddeli doonto gaadiidka hawada, isla markaana tijaabada diyaaradan oo hindisaheedu socad Afartan sanadood ay talaabada tan ku xigta ku xigta diyaaradu kaga gudbi doonto Badweynta Atlantic si ay ugu talawlodo aduunka intiisa kale.Maadaama lagu guulaystay tijaabadii hore oo ay si qurux badan ugu degtay garoon ku yaala Payerne koonfurta galbeed ee caasimadda Bern.Dayaaradda oo loogu magacdaray Solar Impulse, isla markaana duulimaad tijaabo ah ku jirtay Arbacdii 7am ilaa khamiistii 9am, waxay baalasha ku leedahay qalab u qabanaya ileyska qoraxda kadibna u keydinaya si ay ugu duusho, si ay duulimaadkeeda usii wadato xiliyada aanay cadceedu jirin ee mugdiga ah, iyadoo sidata .Betariyo 400Kg ah.
Source News –Environnement.com
By, Arta Abyan